Haweeney u dhalatay South AFrika oo 10 mataane ah ku dhashay Pretoria

Gosiame Thamara Sithole uur

Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegayaa in ay dhashay 10 canug oo mataane ah, taas waxay ka dhigeysaa in ay jebisay rikoorkii horey ugu yaallay caalamka.

Gosiame Thamara Sithole, seygeeda wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrintan, ayna markii hore u haysteen in 8 canug ay caloosha ku sido.

“Waa 7 wiil iyo 3 gabdhood. Aad ayaan u faraxsanahay. Shucuurteyda laga qiyaasi karo. Hadal badanna ma karo,” ayuu yiri Teboho Tsotetsi. Wuxuu warbaahinta kula hadlay Pretoria ka dib markii carruurta ay u dhasheen.

Saraakiisha caafimaadka ee Koonfur Afrika ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan, balse mid kale oo ka tirsan masuuliyiinta ayaa tilmaamay in aysan weli arkin carruurta.

Maamulka haya rikoorka Caalamka ee Guinness World Records, wuxuu BBC u sheegay in ay arrintan mataanaha Sithole ay weli baarayaan.

Haweeney u dhalatay Mareykan oo 2009-kii halmar dhashay siddeed canug ayaa hadda haysata rikoorka caalamka ka dib markii carruurteeda oo dhan ay badbaadeen.

Bishii la soo dhaafay, gabadh 25 sano jir ah oo u dhalatay Maali, Xaliima Ciisa, ayaa dhashay sagaal canug, oo la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay weli wanaagsan tahay. Iyada iyo carruurteeda waxay ku sugan yihiin cisbitaal ku yaalla Morocco.

Aalaaba carruurta badan ee mataanaha ah ee halmar wada dhasha way dhintaan, sida ay ku warrameyso weriyaha arrimaha caafimaadka ee BBC Afrika, Rhoda Odhiambo.

Mataane ka badan seddax waa arrin aad ugu yar caalamka, waxaana badanaa dhibaato noqota umusha iyo caafimaadka carruurta ee dhowrka bilood ee ugu horreeya.

Balse, mataanaha ku dhashay South Afrika, waxaa la sheegayaa in si dabiici ah ay u soo bexeen.

Ducada iyo habeenno hurdo la’aan ah

Ms Sithole, oo 37 sano jir ah, waxay horey u dhashay mataane laba canug ah oo hadda lix sano jirro ah.

Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay. Waxay carruurtan uurka ku siday 29 isbuuc, waxayna Isniintii ku dhashay cisbitaal ku yaalla Pretoria.

Bil ka hor, mar ay warbaahinta Pretoria la hadashay Ms Sithole waxay sheegtay in uurkeeda “ay dhibaato badan kala kulantay bilowgii” ayna aad ugu duceysatay in si nabad ah ay u dhasho, ayna habeenno badan hurdo la’aan noqotay, iyadoo ka walwaleysay waxa ku dhici kara.

“Sidey caloosha u wada qaadi kartaa? Ma badbaadi doonaan?” ayey is weydiisay. Balse dhakhaatiirta waxay u xaqiijiyeen in caloosheeda ay si wanaagsan u fideysay.

Markii loo maleynayay in ay 8 canug siddo, waxay Sithole ka xanuunsaneysay lug, waxayna dhakhaatiirta ogaadeen in labo ka mid ah carruurta ay ku jireen dhinac khaldan.

“Taas waa la xalliyay, ka dibna waan caafimaaday. Waan sugi la ahay in aan arko carruurteyda oo koreen,” ayey u sheegtay wargeys ka soo baxa Pretoria.

Seygeeda wuxuu sheegay in uu dayaxa marayo uuna dareemay sida “in uu yahay qof uu alle doortay. Waa mucjiso aan ku mahdinayo”.

Horey, laba goor oo keli ah ayey mataane 10 ah dunida ugu dhasheen sida la diiwaangeliyay. Dhammaantoon ma aysan badbaadin, waxayna wada dhinteen isbuucyo gudahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here