HAYADAHA CAALAMIGA AH OO GOBOLADA SSC KU QULQULAYA

buuhoodle unocha

Magalaada buuhoodle xarunta Gobalka Cayn waxaa shalay soo gaaray wafti balaadhan oo ka socda UN Mision oo ay hogaaminayso Hay,adda UNOCHA, qaybna ka ahaayeen Dhamaan Hayadaha UN-ka iyo kuwa Caalamiga ah iyo Hayadaha Maxaliga ah.

Ugu horeyn Waftiga hay,adaha waxay kulan gaar ah la yeesheen Odayaasha Dhaqanka Gobalka Cayn, Gudoomiyaha Gobalka Cayn Cabdifataax Ciise Maxamed iyo Xildh Axmed Xariir Gaas Maamulka Degmada.

Ujeedka kulanka ayaa daaranaa sidii looga wadashaqayn lahaa dhinacyada amniga iyo gaarsiinta caawinta dadka kasoo barakacay magalaada Laascaanood.

Imaanshaha hayadaha ayaa ka dhashay kadib markii Golaha dhaqanka SSC ay qaadaceen warbixino ay diyaariyeen Maamulka hargaysa, iyadoo laga duulaya go,aamada Golaha Dhaqanka SSC waxaa la isla qaatay in si toos ah Gobalada SSC ay u helaan qoondada hayadaha caalamigu ku bixiyaa Magaca Soomaaliya, meeshana laga saaro gobolo lagu maransan yahay.

Ugu dambeyn waftiga hayadaha ayaa soo kormeeray dhamaan degaanada Gobalka iyagoo isha soo maray dadka kasoo waxay magaalada laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here