Hilbo beer laga doortay waa Caato, Wasiir Koore Madaxweynihiisii iyo dadkiisii buu helay

0
muuse iyo koore2

Waxaa hadhimo sharafeed Magaalada Hargeysa loogu sameeyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, taas oo hadalka loo dhigayey inuu yahay Wasiirka ugu waxqabad wanaagsan Wasiiradda, iyadoo dadka qaarkoodna ay ugu yeerayeen Wasiirka Wasiiradda ama hogaamiyaha Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye.

HILBO BEER LAGA DOORTAY WAA WEYD (CAATO)

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa HILBO BEER LAGA DOORTAY WAA WEYD (CAATO), marka la eego Golaha Wasiiradda ee xayeeshiga (caatada) ah ee Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiir Saleebaan Koore wuxuu noqonayaa Beerkaa hilbaha laga doortay.

QIIMEYNTA DHABTA AH:

Inkastoo qiimeyntu ku xiran tahay qofka wax qiimeynaya iyo dhinacyada uu wax ka eegayo, balse haddii aan tusaaleyaal kooban soo qaadano waxaa kuu soo baxaysa sawirka dhabta ee Wasiir Koore.

Tusaalehaan 2-dii sano ee uu Xukuumada Somaliland ka mid ahaa degaankiisa sida uu wax uga qabtay waxay muujinaysaa xaqiiqada dhabta ah ee sawirka hogaamintiisa.

Mudadii uu Wasaaradda horumarinta Biyaha joogay wuxuu Magaalada Taleex afarteeda dhinac ka qoday labo Balli iyo labo riig ceel, degmada Xuddun waxay laboda sanadood ka baryayeen in ceelkii oo magaaladii soo gaartay, xoolihiina aanay gudaha u soo geli karin tuubo iyo dar (berkad) xooluhu ka cabaan banaanka luugu saaro, sidoo kale Ceel dhanka Puntland looga qoday oo laga joojiyey biyo-gelintiisii loo dhameystiro.

NINKA CADAALADIISII IYO WAXQABADKIISII XUDDUN GAARSIIN WAAYEY, UMAD MA HOGAAMIN KARAA? Sidoo kale hadalada uu saxaafada ka lahaa kuma jirin mid siyaasi ah ama bulshada anfacaya, ama isu soo dhoweynayaa, waana koobi 25 sano la soo isticmaalayey, oo caqliga dadka maqaaxiyaha ku saleysan.

SALEEBAAN KOORE MADAXWEYNIHIISII IYO DADKIISII BUU HELAY

Waxaa la yiri Gabadh xanuunsan oo xirnaan jirtay ayaa xarigii goosatay oo baxsatay, ilaa 3 todobaad markii ay maqnayd oo aabeheed raadinayey, ayaa subaxii dambe waxaa u yimid niman geel yarad ah wada oo doonaya inay gabadhii guursadaan oo loo hibeeyo, odaygii baa intuu yaabay oo tolkii u tegay oo yiri “war arintaas baa dhacdayey gabadhii aan aabaha u ahaa miyey bogsatay? nin odayaashii ka mid ah ayaa ku yiri “WAR GABADHA HIBEE OO YARADKAAGA QAADO, GABADHII DADKEEDII BAY HESHAYE.

Xafladdii balaarnayd ee tilmaanta Madaxweynaha ku timid ee Xisbigu Mudane Saleebaan Koore u sameeyey, ma jiro waxqabad uu qabtay ee lagu maasuuso ee waxay kuu cadeynaysaa in Wasiirku uu helay Madaxweynihiisii iyo dadkiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here