Hogaamiyaasha Somalia iyo Itoobiya oo khadka telefoonka ka wada hadlay

Abiy farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Talaadada shalay uu wadaxaajoodyo dhanka telefoonka ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ayaa shaaciyay in ay kawada arrinsadeen arrimo ku saabsan la dagaalanka xanuunka safmareenka ah ee Corona, kaas oo labada dal si isku mid ah u saameeyay.

“Walaalkey ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo aniga, waxaan maanta yeelanay wadasheekeysi dhanka telefoonka si aan u adkeyneyno wadashaqeynteena iyo midnimadeena si aan uga hortagno Covid-19 una badbaadino nolosha dadkeena. Wadajirka waxaan uga bixi karnaa dhibaatada,” ayuu soo qoray.

Wada-xaajoodka labada hogaamiye ayaa kusoo aadaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay ay cabasho xoogan oo ka imaaneysay shacabka ay ka taagneyd degaanada Soomaaliya ee xuduudka la leh Itoobiya oo ku aadan qaadka ka yimaada Itoobiya.

Wadama geeska Afrika ayaa dadaal ugu jira ka jortaga Xanuunka dilaafa ah ee Coronavirus, waxaana wadama ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ay horay u yeesheen wada hadalo ku aadan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here