Hoggaamiyihii TPLF oo duurka ka soo baxay iclaamiyayna in dagaalku wali fari ka qodneyn

Debretsion Gabra Mikael tigree

Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle , maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa kahor intaan meesha laga saarin.

Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020.

Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan.

Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay. Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion.

Maalintii Isniinta ahayd ayay ciidamada qaranka Itoobiya isaga baxeen magaalada Mekelle iyo aagaga kale ee gobolka, kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac. Dawladdu waxay sidoo kale ku dhawaaqday “xabbad-joojin bani’aadamnimo” oo hal dhinac ah.

Jabhada oo isku magacaawda ciidamada difaaca ee Tigreega ayaa hada maamusha inta badan gobolka waxaana ciidamada Eritrea lagu soo waramayaa inay ka baxeen magaalooyinka waaweyn.

Isgaarsiinta iyo koronto la’aanta gobolka ka jirta awgeed, macluumaadka ka laga helaya aad ayuu xadidan yahay.

Hay’adaha bani’aadamnimada ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara dagaalka haddii aanan la kordhin gargaarka oo aan si dhakhse leh loola gaarin.

In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Raiisel wasaare kuxigeenka Itoobiya, ahna wasiirka arimaha dibada, Demeke Mekonnen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxda TPLF oo ay bilo kahor ku dhawaaqday inay tahay “urur argagixiso”

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed.

Abiy ayaa go’aansaday in xisbigii isbahaysiga qoomiyadaha ee EPRDF uu noqdo hal xisbi oo la yirahdo Barwaaqo, hase yeeshee TPLF ayaa gaashaanka u daruurtay go’aankaasi iyadoo diidday inay ka qeyb noqoto.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay ka dib markii doorashooyinkii la rabay in la qabto bishii Ogosto 2020 dib loo dhigey sababo la xiriira cudurka fayraska corona.

Kooxda TPLF ayaa kasoo horjeesatay talaabadan waxayna go’aansatay inay abaabusho doorasha gaar u ah oo hal dhinac taas oo ay ku guuleysatay 100%. balse Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid “sharci darro ah”, taas oo horseedday qalalaasaha haatan jira.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray. Maalintii xigtayna RW Abiy Axmed wuxuu ku amray militariga inay meesha ka saaraan maamulka dowlad deegaanka Tigary.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here