Hooyo lagu eedeeyey inay cunugeedii ciijisay oo dishay

hannah cobley dishay cunugeedii

Haweenay lagu eedeeyey inay ciijisay canugeeda si ay u disho, ayaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay dil geysatay.

Hannah Cobley, oo 29 sanno jir ah ayaa canugeeeda ku duubtay baco islamarkaasna ugu tegtay beer ay qoyskeeda ku leeyihiin magaalada Leicester halkaas oo ay kula nooleyd waalidkeed.

Kaddib ayey internet-ka ka baartay xilliga ay ilmaha yar noolan karaan haddii aanan wax cunta ah aanan la siinin, maxkamadda ayaa arrinkan laga sheggay intii ay dacwadda socotay.

Maxkamad ku taalla Leicester oo dhagaysanaysay dacwadaan ayaa go’aanka ku gaartay muddo labo saacadood ah.

Haweenaydan oo uu aabaheed leeyahay ganacsi dhanka gaadiidka ah ahna beeralay ayaa dafirtay dacwadda lagu eedeeyey.

Baaritan ilmaha yar lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in ilmaha ay soo gaareen dhaawacyo.

Cobley, ayaa gaashaanka u daruurtay in ilmaha yar ay ahaayeen kuwa dhicis ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in aabaha dhalay ilmahan aanan weli la ogaan.

Qoyska Cobley iyo asxaabteeda ayaa sheegay inaysan ogayn uurkeeda.

Aabaha Cobley Petet ayaa booliska u sheegay in markii uu gabadhiisa weydiiyey wixii dhacay ay ku tiri “Waa ilmo yar” waxayna “gelisay boorso”.

Waxayna u sheegtay inaysan ilmaha noolayn.

Xukunka dacwadan ayaa la qaadi doona Jimcaha nagu soo aadan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.