HOTEL XAYAAT: DHIMASHO 21 QOF, DHAAWAC 117 QOF

Xayaat hotel

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in xogtaan ay wasaaradda caafimaadka kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla Magaalada muqdisho, balse ay jiri karaan meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here