Howlgallo dad badan lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Galmudug

Ciidanka xoogga

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen agagaarka magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska  guutada 15-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu eedeeyey inay duugis ku sameeyeen baraago biyo laga cabo iyo duminta guryo la daganaa.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ujeedka howlgalladaan uu ahaa kuwo lagu xaqiijinayey amniga deegaanadaasi, si looga hortago colaad beeleedyo ka jira halkaasi.

“Iyadoo Laga Jawaabayo Fariimo bulsho oo laxariira Adkeynta Amniga Aaga kusuntan inaan hub lagu qaadan karin cabir fogaantiisuna tahay 18km oo Jiha Kasta uga baxsan degmada balanbal ayaa si loo fuliyo waxaa howlgal aagaas ka sameeyey Ciidamada Guutada 15aad waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay dad lagu soo eedeeyey inay ka danbeeyeen duugis lagu sameeyey baaraago iyo guryo la dumiyey” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Guutada 15-aad ee deegaanada Galmudug.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo looga hortagayo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here