Iiraan oo shaacisay ninka looga shakisan yahay weerarkii xarunteeda nukliyeerka

Reza Karimi

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa magacaabay nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz.

Reza Karimi ayaa ka qaxay Iiraan wax yar kahor qaraxa, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay doon doonayaan booliiska Interpol.

Interpol ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in Mr Karimi uu ku jiray liiskeeda cas ee dadka la doon doonayo.

Iiraan ayaa weerarka ku eedeysay Israa’iil waxayna kordhisay howlaheeda nukliyeerka.

Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin inay ku lug leedahay weerarkaas, balse raadiye dadweyne oo Israa’iil laga leeyahay ayaa ilo sirdoonka ah ka soo xigtay inuu ahaa howlgal dhanka internet-ka oo ay fuliyeen Mossad.

Weerarka ayaa ku soo beegmay wax kahor Iiraan oo lagu waday inay ka qeyb qaadato wada hadallo looga gol lahaa soo celinta heshiiska nukliyeerka 2015 ee ay la gashay Mareykanka, UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka.

Heshiiska ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in Iiraan ay horumariso hubkeeda nukliyeerka, taas oo ay Iiraan beeniso inay u gol leedahay. Israa’iil ayaa ka soo horjeesatay heshiiska, iyadoo sheegtay inuusna ka hortageyn in Iiraan ay yeelato hubka nukliyeerka.

Heshiiska, oo horseeday in Iiraan ay xaddiddo howlaheeda nukliyeerka iyadoo ku beddelaneysa in laga khafiifiyo cunaqabateynta, ayaa khatar ugu jiray inuu burburo kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiiskaas isaga baxay sanadkii 2018.

Hadalkii Iiraan ee ahaa inay soo saari doonto Yuraaniyam 60% la tayeeyay kaddib weerarkii Axaddii hore ayaa sii carqaladeynaya heshiiska, iyadoo sida uu heshiiskaas dhigayo loo oggol yahay inay yuuraaniyamteeda tayeyso keliya 3.67%.

Maxaa ka dhacay Natanz?

M acadda gebi ahaanba sida uu u dhacay weerarka. Si kastaba, Alireza Zakani, oo ah madaxa xarunta baaritaanka ee baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in kumannaan mashiinno ah oo loo adeegsan jiray sifeynta nukliyeerka la burburiyay amaba waxyeello lagu gaarsiiyay Natanz.

Weerarka ayaa ka dhacay xarun ilaa 50m (165ft) dhulka hoos u qodan, sida uu sheegay sarkaal kale.

Shalay, telefishinka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in wasaaradda sirdoonka ay “Reza Karimi, u aqoonsatay inuu ka dambeeyay weerarkaas”.

“Tallaabooyin ku habboon ayaa socda oo lagu soo xirayo dibna loogu soo celinayo dalka,” ayay intaas ku dartay.

Telefishinka ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalka waxyeellada gaartay xarunta.

Balse mar la weydiiyay in Mr Karimi uu ku jiro liiskeeda cas, ayay Interpol ka gaabsatay inay ka jawaabto.

Barta internet-ka ee Interpo kuma xusna magaca Reza Karimi.

Mala badbaadin karaa heshiiska nukliyeerka?

Wada hadallada looga gol leeyahay soo celinta heshiiska nukliyeerka Iiraan, oo Khamiistii ka bilowday caasimadda Austria ee Vienna, ayaa la sheegay in horumar laga gaaray.

Si kastaba, madaxa wada xaajoodyada Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in xaalku uusan fududeyn isla markaana ay jiraan arrimo la isku maandhaafsan yahay.

Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, Britain, Jarmalka iyo Iiraan ayaa dhammaantood ka qeyb qaadanaya. Maryekanku kuma jiro, inkastoo ay wafdi ka socda ku sugan yihiin hoteel agga ka dhow, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here