Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay cod halis ku ah nolosheeda oo loo soo diray

Ilhan omar

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kusoo bandhigtay farriin cod ah oo hanjabaad ah, oo loogu sheegayo in la dili doono.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lagu tilmaamay in ay tahay Jihaad doon xiriir la leh ururada xagjiriinta, waxayna goobta ay saxaafadda kula hadlaysay ka daartay codka loogu hanjabayay.

“Waan ognahay waxaad ku sugan tahay. Waxa aad rabtana in aad dalkeyna qabsataan. Ha welwelin, waxaa jiro dad badan oo jecel inay helaan fursad ay kugu dhaafiyaan Adduunkaan xun, waan ognahay waxaad tahay,” ayuu yiri qof aan la aqoon oo cod usoo diray Ilhan.

“Waxaad tahay khaa’inul wadan. Ma sii noolaan doontid wax badan, waxaan ku dammaanad qaadi karaa taas. Haddii aan nahay shacabka waan kacnay markaan, waxaana la idin horgeyn doonaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana lagugu soo oogi doonaa dambiga.”

Ilhaan ayaa sheegtay in farriinta codka ay tahay tusaale kamid ah hanjabaadaha iyo dhibaateynta ay Jamhuuriga ku hayaan dadka Muslimka ah.

Farriinta codka ee loo soo diray Ilhaan ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii wada-hadal taleefon ah uu dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah, kaasi oo ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.

Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar oo Muslim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.”

Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.”

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay kamid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda ka hor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin.

“Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar ay ku biirtay aqalka Koongareeska, waxay mar walba la kulmaysay hanjabaado dil ah, iyadoo caddeysay sababta loo bartilmaameedsanayo inay tahay isirkeeda iyo diinteeda Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here