Ilhaan Cumar: Trump wuxuu halis ku yahay dadka iyo dalka Mareykanka

ilhaan cumar iyo trump

Xilli ciidamada dembi baarista Mareykanka ay wali ku raad joogaan dadkii weeraray aqalka Kongareeska, ayaa dhanka kale isla xubnaha Dimuqraaddiga ee ka tirsan aqalkaasi waxay sheegeen inay ku raja weyn yihiin xil ka qaadista madaxweyne Trump.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareeska, ayaa waxay madaxweyne Trump ku eedeysay in uu sabab u ahaa rabshadihii ka dhacay dhismaha Capitol.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,”

Waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu ku hadlay arrin aan madaxweyne laga fileyn, isaga oo kaddib weerarkii Capitol farriin uu bartiisii Twitter-ka ugu qoray dadkii soo qaaday weerarkaas ku yiri “waan idiin jeclahay”.

Ilhan waxaa kale oo ay sheegtay in haddii xukuumadda cusub ee madaxweyne Biden ay timaaddo ay wax badan ka rajeyneyso, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.

“Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuqraaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolosha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan. Waxaan rajeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen doonno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jireen iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan.”

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka iyo FBI-da ayaa bilaabay baaritaan dembi oo lagu sameynayo in ka badan 160 qof oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen weerarkii toddobaadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol ee Washington.

Dhanka kalena, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, ayaa caddeeyay inuusan taageersaneyn adeegsiga wax ka beddelkii 25-aad ee dastuurka si xilka looga qaado Madaxweyne Trump sababo la xiriira kicinta weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday US Capitol.

Hadalkan ayuu ku sheegay warqad uu u qoray Afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi, iyadoo la doonayo in cod loo qaado qaraar madaxweyne ku xigeenka loogu borrinayo inuu sidaas sameeyo. Taasi waxay ka dhigan tahay inay u dhowdahay in Aqalka Wakiillada ay hakin doonaan cod u qaadidda in xilka laga qaado madaxweyna.

Hase yeeshee, waxaa sii xoogeysanaya abaabulka loogu jiro xil ka qaadista Madaxweyne Trump, iyadoo ay xildhibaanno badan oo Jamhuuriga ka tirsan sheegeen inay u codeyn doonaan xil ka qaadista madaxweynaha.

Aqalka Wakiillada ayaa qorsheynaya inay maanta u codeeyaan xil ka qaadista Trump, taas oo ka dhigeysa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka ee labo jeer laga gudbiyo xil ka qaadis.

Waxaa lagu wadaa in 20-ka bishan uu xilka madaxtinnimada kala wareego Joe Biden, oo xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here