IMF oo xaqiijisay maal-gelinta deyn-cafinta Soomaaliya

imf

Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta adduunka ee IMF Kristalina Georgieva ayaa maanta ku dhowaaqday in IMF ay xaqiijisay ballan-qaadyo maaliyadeed oo ku filan, si loo maal-geliyo deyn-cafin buuxda oo loo sameeyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF, 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan-qaaday in ka badan 334 milyan oo dollar oo lagu maal-gelinayo deyn-cafinta Soomaaliya.

“Marka ballan-qaadka laga dhigo rasmi, waxaa xigi doona hanaanka deymaha looga tirayo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in la fasaxo lacag cusub oo kaalmo horumarineed ah, taasi oo dhabbaha u xaari doonta kobac sare oo buuxa.”

Ms. Georgieva ayaa ballan-qaadka cusub ku qeexday inay fursad taariikhi ah u tahay Soomaaliya, si ay ugu dhaqaaqdo deyn-cafin buuxda oo ay ka hesho IMF iyo Beesha Caalamka.

“Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno dib usoo kabashadeeda kadib muddo fog oo dagaalo iyo burbur ahaaa” ayey tiri Kristalina Georgieva.

Kristalina Georgieva ayaa taageeradooda uga mahad-celisay dalalka xubnaha ka ah IMF.

“Tani waxay astaan cad oo lagu qirayo u tahay dadaallada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliyadeed iyo kuwa dhaqaale, inkasta oo ay jiraan marxalado caqabad leh,” ayey tiri.

Soomaaliya ayaa la filayaa in deynta lagu leeyahay, oo ka badan 5 bilyan dollar, laga cafiyo dabayaaqada bisha March.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here