Indha-Qarshe oo kashifay in Ciidamada Amisom ay gabaad ka dhigtaan Ciidamada Soomaaliya

general indho qarsho
S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa weerar ku qaaday ciidamada AMISOM, isaga oo sheegay inay yihiin kuwo mar walba ku daba gambada ciidamada xooga dalka.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo qaata dhaqaalo badan, islamarkaana heysta hub casri ah ay ku gambadaan dhabarka ciidamada xooga dalka, isaga oo kala jeeday inaysan galin dagaalka ka dhanka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay heystaa hub yaryar, balse ciidamada AMISOM ay maciin bidaan inay gabaad ka dhigaan.

Waxaa uu xusay in dhaqaale ahaan ay Ciidamada AMISOM aad uga mushaar badanyihiin kuwa Soomaalida laakiin marka ay dagaal gaarto Ciidamada Soomaalida ay ku horreeyaan goobaha dagaalka dhimashada iyaga ku dhacdo.

Indha-qarshe ayaa yiri: “Ciidanka AMISOM ee kun kunka qaata,waxaa ay iyaga oo Taangiyo saaran daba socdaan Askarteenna oo ka hub iyo qalab yar”.

Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu Shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugidda amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho,waxaana xilligaas uu dagaal ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.