India: Naxdin ka dhalatay canug yar oo rabay in uu toosiyo hooyadiis oo geeriyootay

india reer

Xilli Hindiya ay weli ka jirto xayiraadda looga hortagayo fiditaanka feyraska Korona, haddana waxay warbaahinta dalkaas ku warrantay dhimashada ugu yaraan 304 qof oo kamid ah shaqaale qaxootiga ah.

Dadkaas ayaa isku deyaya in dib ay ugu laabtaan guryahooda, waxaana dadkaas ka mid ah haweeney ku geeriyootay goob tareenada laga raaco xilli canug yar oo ay dhashay uu rabay in uu toosiyo oo uu kiciya isaga oo aan ka warqabin in hooyadiis ay dhimatay.

Baraha bulshada waxaa si weyn ugu baahay sawirka canugaas xilli maydka hooyadiis uu yaallay goob tareennada laga raaco oo la yiraahdo Muzaffarpur oo ku taalla gobolka bariga Hindiya ee Bihar.

Canuga oo aan ogeyn in hooyadiis ay dhimatay wuxuu busto dusha ka saaray meydka.

Labo maalin uu ka dib waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay sawirkan naxddinta leh.

Haweeneydan geeriyootay waxaa magaceeda lagu sheegay Arbina Khatoon oo 23 sano jir aheyd, waxay ka mid ahayd dadka muruq maalatada ah ee ka shaqeysanayay magaalada Ahmedabad.

Waxay tareenka isla saarnaayeen laba canug oo ay dhashay iyo qaar ka mid ah qaraabadeeda, waxay ku wajahnaayeen gobolkii ay ka soo jeedeen ee Bihar oo 1800 oo Kiiloomiitar u jira Ahmedabad.

“Si lama filaan ayay ugu geeriyootay tareenka dhexdiisa,” Wazir oo ah dumaashigeed ayaa sidaa yiri xilli uu la hadlayay BBC-da qeybta la hadasha Hindiya.

Intii ay safarka ku jireen waxaa laga yaabaa in hal mar ay wax cunaan, wuxuu sheegay in naftooda ay ku sasabi jireen buskut iyo waxyaabo kale.

“Biyahii aan cabeynay waxay ahaayeen kuwo kulul marka waxay danta nagu qasabtay in aan biyo kale soo iibsanno,” ayuu yiri Wazir.Tirada Dadka Dhintay

Tan iyo 24 March

  • 145 Dhimashada shilalka jidadka
  • 33 Dhimashada daalka uu sababy
  • 23 Dhimashada shilalka tareennada
  • 14 Sababo kale u dhintay

Source: Falanqeynta BBC ee warbixinta warbaahinta

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, haweeneyda waxay u geeriyootay gaajo iyo fuuq bax, waxayna ka mid tahay shaqaalihii qaxootiga ahaa ee geeriyooday kaddib dhibaatadii ka soo gaartay xayiradda ka dhanka ah feyraska Korona.

Si kastaba, saraakiisha dalkaas inay u dhimatay xannuun kale oo ay qabtay.

Arbina Khatoon waxay ka mid tahay in ka badan 300 ee muhaajiriinta ah ee geeriyooday tan iyo markii Hindiya looga dhawaaqay xayiraadda ka hortagga fiditaanka cudurka, 25-kii bishii Maarso.

Inta badan shaqaalahan muhaajiriinta ay u geeriyooday dhibaatada ka dhalatay xayiraadda waxaa dhib ka haystaa sidii ay dib ugu laaban lahaayeen guryahooda markii ay waayeen wax ay ka shaqeyaan.

Safarka duhurkii

Dad badan oo muruq maalato ah ayaa ku nool magaalooyinka waaweyn ee Hindiya, waxay qabtaan shaqooyinka sida guryo dhiska, cunto karinta, timo jarka iyo dayactirka musuqulaha iyo bulaacadaha.

Inta badan shaqaalaha muruq maalatada ah waxaa lagu qiyaasaa 100 malyan waxayna dadaal ugu jiraan sidii ay u maareyn lahaayeen noloshooda isla markaana ay uga badbaadi lahaayeen faqriga, waxay ku nool yihiin deegaan isku raran ah oo wasakh ah.

Kumanaan kun oo ka mid ah shaqaalahan waxay noqdeen shaqo la’aan markii bandowga ka hortagga feyraska looga dhawaaqay Hindiya.

A woman walking, carrying a big bag on her head
Kumannaan qof ayaa ka qaxay magaalooyiinka waaweyn tan iyo markii xayiraadda billaabatay

Waxay ku tiirsan yihiin gargaarka raashiinka ah ee ay bixiso dowladda ama ha’yadaha samafalka, halka qaar kalena ay nolosha ku qasabtay inay dawarsadaan.

Qaar badan oo ka mid shaqaalahan waxay noqdeen qaxooti.

Dad isugu jiro rag, haween iyo carruur waxay bilaabeen safar lugta ah si ay u gaaraan guryahoodii, waxay noqdeen lacag la’aan waxayna ka cabsi qabaan inay u dhintaan macluul.

Waxay boorso ku sitaan dhammaan alaabahoodii sida cuntada, biyaha iyo dharka, marka ay carruurta daalaan waxaa dhabarka ku qaada waaliddiintooda.

Waxay safrayaan xilli qoraxda ay kulushahay, waxay wajahayaan oon, gaajo iyo harraad.

Waxay sheegayaan in haddii ay dib ugu laabtaan guryahooda ay xaaladda wanaagsanaaneyso isla markaana ay heli karaan biyo iyo cunto.

“Waxaan ka shaleynaya safarkan”

Inta badan shaqaalaha muhaajiriinta waxay u dhinteen shilalka waddooyinka, waxaana ka mid ah shaqaalahaas dhintay Sanju Yadav.

Sanju Yadav waxay xarunta ganacsiga ee Hindiya Mumbai timid 10 sanno ka hor, waxaan la socday seygeeda Rajan iyo labo carruur oo ay dhashay oo kala ah Nitin iyo Nandini, waxay ku rajo weynaayeen in magaalada ay ka heli doonaan nolol wanaagsan.

Markii xayiraadda looga dhawaaqay halkaas waxaa ku adkaatay nolosha waxay go’aansadeen in dib ay ugu laabtaan halkii ay ka soo jeedeen oo Mumbai u jirtaa illaa 1,500 kiiloomiitar.

Waxay ku safrayeen bajaaj, markii ay ilaa lix saacadaanna way nasanayeen.

12-kii bishii May, markii 200 kiiloomitar ay u jirsadeen tuuladii ay ka soo jeedeen, waxaa bajaajtii ay saarnaayeen jiiray baabuur xamuul ah.

Waxaa shilkaas ku geeriyooday Sanju Yadav iyo gabadheeda Nandini, wuxuuna dhaawac fudud soo gaaray Rajan iyo Nitin.

Lallu Ram Yadav
Lallu Ram Yadav wuxuu doonayay inuu waqti la qaato qoyskiisa

“Tareenka lagama helo biyo iyo cuntaba”

Toddobaadyadii lasoo dhaafay, shaqaale gaaraya ilaa 4 malyan ayaa ka tegay magaalooyinka iyagoo saaran tareen si ay u gaaraan tuulooyinkii ay kasoo jeedeen.

Ugu yaraan 80 ka mid ah dadkaas ma awoodaan qarashkii ka caawin lahaa in dib ay ugu laabtaan guryahooda, sida laga soo xigtay xooggaga ilaalinta tareenka ee Hindiya.

Inta badan dadka ku dhintay tareenka waxay kasoo jeedaan gobollada kala ah Uttar Pradesh iyo Bihar.

Qaar ka mid dadkaas waxay u dhinteen Kansarka, xannuuno kale sida kuwo ku dhaca beerka, mid ka mid ah waxaa laga helay cudurka Covid-19.

BBC-da waxay la hadashay qaar ka mid ah dadka tareenka soo raacay kuwaas oo cabasho ka muujiyay in muddo dheer ay ku qaato safarka isla markaan tareenna ay ka jirto cunto iyo biyo gabaabsi.

Qaar ka mid dadka tareenka raaca waxay sheegeen in booliska ay garaaceen markii ay isku dayayeen in ay biyo ka raadsadaan goobaha laga raaco tareennada.

Warbaahinta gudaha Hindiya ayaa ku warrantay in la arkay shaqaalaha muhaajiriin ah oo ku xoomaya qof sita baakado ay cunta ku jirto si ay uga xooggaan.

Rajan Yadav, his wife Sanju and their two children
Rajan Yadav, his wife Sanju and their two children wanted to better their quality of life in Mumbai

“Waxaan waayay aabahay iyo riyadeydii”

Hindiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.3 balyan oo qof, waxaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 200,000 oo qof uu ku dhacay feyraska Korona halka dhimashadu ay gaartay 5,500. Dowladda waxay bilowday tallaabooyin ay ku dabcineyso xayiraadaha ka hortagga cudurka inkastaoo kiisaska ay sare u kacayaan.

Two men walking, one carrying a bag and the other a child
Many people have struggled to find food on their journey

In badan oo ka mid ah shaqaalaha muhaajirinta ee Hindiya waxay hadda dib ugu laabanayaan guryahooda inkasta oo dadka saboolka ay dhibaato kala kulmeen xayiraadda.

Jaikrishna Kumar oo 17 jir ah wuxuu ka shalaynayaa markii uu aabihiis Balram ku dhiirageliyay in uu dib ugu laabto gurigooda ka dib markii xayiraadda looga dhawaaqay Hindiya, aabihiis Balram wuxuu ka shaqeynayay gobolka Gujarat oo si ba’an uu u saameeyay feyraska Korona.

Balram waxaa caawiyay sarkaal boolis ah oo saarnaa baabuur xamuul ah si uu ugaarsiiyo deegaankii uu ka soo jeeday.

Baabuurka markii uu marayay deegaan la yiraahdo Dausa waxaa uu darawalka lumiyay kontroolka wuxuu ku dhacay geed weyn oo ku yaallay agagaarka waddada, shilkaas waxaa ku dhintay Balram.

Hadda wilkii uu dhalay Balram ee Jaikrishna Kumar wuxuu sheegaya in uu joojiyay waxbarashada si uu u caawiyo qoyskiisa.

“Shilka wuxuu galaaftay aabahay iyo riyadeydii aheyd in aan wax barto..aabahay wuxuu doonayay in aan meesha ka saaro nolosha ku saabsan saboolnimada ama faqiirnimada”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here