Indonesia: Masuuliyiin loo xirxiray inay si sharci darro ah uga macaashayeen Covid-19

baaris indonesia

Dhawr ka mid ah shaqaalaha shirkadda dawooyinka ayaa lagu xidhay waddanka Indonesia iyaga oo lagu eedeeyay in ay dhaqeen oo ay dib u sii iibiyeen qalabka baaritaanka ee Covid-19 horay loo isticmaalay.

Ilaa 9,000 oo rakaab ah oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee ku yaal magaalada Medan ayaa laga yaabaa in lagu baaray qalabka sanka la geliyo ee loo adeegsado baaritaanka Covid-19 oo horay loo soo isticmaalay, sida ay booliisku sheegeen.

Shirkadda ay dowladdu leedahay ee Kimia Farma ayaa hadda lagu soo waramayaa inay wajaheyso dacwad la xiriirta eedeyntaasi.

Baaritaanka suufka sanka la geliyo ayaa caadi ka noqday dalal badan tan iyo markii dallaacay fayraska corona.

Booliska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in khiyaanadan ay ka dhaceysay garoonka diyaaradaha Kualanamu ee magaalada Medan, Waqooyiga Sumatra tan iyo bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Rakaabka waxaa laga rabaa in natiijada baaritaankooda ay noqoto in laga waayo xanuunka si ay garoonka uga duulaan, maamulka garoonka diyaaradaha ayaa rakaabka ikhtiyaar u siinaya in baaritaanka suufka lagu sameeyo goobta. Maamulka garoonka ayaa adeegsaday xirmooyinka tijaabada degdega ah ee antigen ee ay bixisay Kimia Farma..

Ka dib cabashooyin ka yimid rakaabka ee ahaa in ay heleen natiijooyin been abuur ah, booliska wuxuu toddobaadkii la soo dhaafay diray sarkaal qarsoodi ah oo iska dhigaya rakaab sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Detik.

Markii uu maray baaritaanka oo uu helay natiijoa inuu xanuunka qabo ayay saraakiishii kale ka soo dhex boodeen garooka ka dibna weerar ku qaaday goobta baaritaannada xanuunka lagu sameeyo waxayna halkaas halkaas ka heleen qalab baaritaan oo horay la isticmaalay hadana dib loo adeegsanaya.

Toddobaadkii hore, shan ka mid ah shaqaalaha Kimia Farma – oo uu ku jiro maareeyaha shirkadda ee Medan – ayaa la xiray. Tuhmanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay jebiyeen sharciyada caafimaadka iyo macaamiisha iyagoo dhaqay ulaha sanka la geliyo ee baaritaanka loo adeegsado.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay ururiyeen warbixinno ka yimid 23 markhaati, ayna baarayaan in faa’iidada laga helay macaashka khiyaanada ku saleysan oo lagu qiyaasay ilaa 1.8bn rupiah oo u dhiganta 124,800 oo doolar loo isticmaalay in lagu maalgeliyo dhismaha guri kuwa raaxada ah ee uu leeyahay mid ka mid ah tuhmanayaasha.

Shirkadda Kimia Farmaa, oo xarunteedu tahay caasimada Jakarta, ayaa tan iyo markaasi shaqada ka eriday shaqaalihii ku lugta lahaa waxayna balan qaadday inay adkeyn doonto kantaroolka gudaha.

Toddobaadkan, laba qareen oo si joogto ah uga duulayay garoonka diyaaradaha Kualanamu bilihii la soo dhaafay, ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dacwad ku soo oogaan Kimia Farmaa, sida ay qortay jariidada South China Morning Post.

Dacwad wadareedka ka dib, rakaab kasta oo ay sameyn ku yeelatay dhacdada waxay rajeynayaan inay helaan 1bilyan oo lacagta rupiah.

Horraantii toddobaadkan, mas’uuliyiinta Indonesia waxay sheegeen inay ogaadeen laba kiis oo ka mid ah noocyada cusub ee ‘Covid variant’ oo markii ugu horreysay lagu arkay Hindiya.

Bishii la soo dhaafay, xukuumadda Jakarta ayaa joojisay bixinta dal ku gallada ajaanibta ku sugnaa Hindiya 14-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Dalkan ay Muslimiinta u badan yihiin ayaa sidoo kale mamnuucday socdaalka gudaha dhamaadka bisha Ramadaan, xilligaas oo ay dadka ukala gooshayaan guud ahaan dalka si ay u booqdaan eheladooda.

Indooniisiya waxay ka mid ahayd dalalka Aasiya ee uu aadka u sameeyay xanuunka Covid-19 , guud ahaanna waxaa laga diiwaan geliyey 1.7m oo kiis iyo in ka badan 46,000 oo dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here