Iran: Maraykanku wuxuu ku ceeboobay Golaha Ammaanka hortiisa

Javad Sarif Iran forminister

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Maraykanka ay dhabar jab ku noqotay inuu ku guul darraystay in la sii dheereeyo mudada cunoqabataynta hubka ee saaran dalkiisa oo ay xukuumadda Maraykanku dalab arintaa ku saabsan hor geysay Golaha Ammaanka.

Hadalkan wuxuu Ruuxaani sheegay markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii ku gacan saydhay soo jeedinta Maraykanka oo Jamhuuriyadda Dominica oo keli ahi taageertay soo jeedintiisa, hase yeeshee ay diideen Ruushka iyo Shiinuhu halka 11 dal oo kale ka aamuseen oo ay ku jiraan Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska.

Mudada conaqabataynta hubka ee saarrayd Iran ayaa ku eg bisha Oktoobar sida uu dhigayo heshiiskii ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyni sannadkii 2015.

Ruuxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa ayaa yidhi “Ma xasuusto mar qudha oo Maraykanku soo jeedin qaraar oo uu ku dibindaabyeynayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah soo hor dhigay golaha oo cod keliya oo taageeray uu halay”, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata ku daray “guushani waa tii ugu weynayd ee lagu fashiliyey dhagarta Maraykanka waan guul darro dhabar jab ah oo ku dhacday”.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa yidhi “in goluhu ka baaqsado inuu qaato go’aan uu ku difaacayo nabadgelyada iyo xasiloonida dunidu waa dembi aan cafis lahayn”.

Waxa isaguna arinta ka hadlay danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, oo ku tilmaamay go’aankaa Golaha Ammaanka “wax laga xumaado” waxaanu intaa ku daray in “go’aankaasi u horseedi doono Bariga Dhexe qalaase hor leh isla markaana uu qulqulatooyin ka abuuri doono dunida oo dhan”.

Sannadkii 2013 ayaa Iran waxay heshiis kala saxeexdeen reer Galbeedka, kaas oo ku saabsanaa barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaheedaba.

.

Madaxweyne Obama ayaa waagaa sheegay in markii ugu horaysay toban sanadood, barnaamijka nukliyeerka Iran la hakiyay.

Heshiiskaas ayay Iran ku balanqaaday inay dhinto kaydkeeda tayeenta macdanta uraniyamka, oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka. Iran ayaa cuna qabataynta qaar laga qaadayaa hadii ay fuliso heshiiska.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Maxamed Javad Zarif, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu waddankiisa u leeyahay tayeenta Uraniyamka. Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inaan la aqoonsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here