IRAN oo luuqad adag ugu hanjabtay Mareykanka kadib tallaabadii uu qaaday

trump iyo rouhani

Dowladda Iran ayaa si kulul uga jawaabtay tallaabada uu Mareykanku ku rabo in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran, xili tallaabadaasi lagu macneeyay mid sharci darro ah.

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani ayaa ugu horeyntii sheegay in Mareykanku uu wajahayo Guul-darro weyn kadib markii ay wadamo badan oo reer Yurub ah ay ka hor-yimaadeen rabitaankaasi.

Wuxuuna ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto jawaab si daran wax u burburin doonto, inkasta oo uusan carabaabin arrinta weyn ee ay kaga jawaabayaan rabitaanka Mareykanka.

“Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto handdadada Mareykanka” ayuu yiri madaxweyne Ruuxaani.

“Mareykanku wuxuu usii dhawaanaya guul-darro, xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta. Wuxuuna wajahaya guul-darro iyo jawaab diidmo ah oo uga timid beesha caalamka” ayuu sidoo kale yiri.

Trump iyo maamulkiisa ayaa qaba in tallaabadaasi ka dhanka ah Iran ay ku cadahay ‘in la qaadi karo markale’ heshiiskii uu Mareykanku ka baxay labo sano ka hor (2018) ee la xiriiriya Nukliyeerka.

Aragtidaasi mid ka gadisan ayey qabaan dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka, waxayna si wada-jir ah u sheegen in Mareykanku uusan awood buuxda u laheyn inuu qaado tallaabo noocaasi oo kale ah.

Rabitaanka Mareykanka ayaa sidoo kale waxa si adag uga hor-yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, xili lasoo warinayo in xukuumadda Washington ay maanta cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xiriiriyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here