Isaias Afwerki: Nidaamka Federaalka ee qabiilka ku saleysan burbur ayuu horseedaa

isaias afwerki

Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afwarqii ayaa sheegay go’aanki ay ciidamada Itoobiya kaga baxeen gobolka Tigraay inuu ahaa xeelad dib u gurasho balse lama filaan ahaa.

Isaayaas oo xalay wareysi dheer siiyey warbaahinta afka dowladda ku hadasho wuxuu wareysigiisaa kaga hadlay doorka uu dalkiisu ku lahaa dagaalka Tigraay, Siyaasadda Gobolka iyo Arrimo caalami ah.

Sii deynti uu Abiy Axmed ku sii daayey macabiista siyaasadeed ee fallaagada TPLF uuna ku sheegay inuu uga gol leeyahay dib u heshiisiin qaran inuu u gogol xaaro, waxaa sida oo kale Isaayaas laga filayey inuu isna sii daayo macabiista siyaasadeed ee ugu xiran.

Taasoo niyad jab xooggan ku abuurtay muwaaddiniinta Eritrea iyo Qurba joogta dalkaasi oo filayey Isaayaas inuu qaadan doono go’aan la mid ah kan uu qaatay Abiy Axmed.

Dagaalka gbolka Tigraay

Isaayaas Afwarqii oo wareysiga warbaahinta dowladda uu siiyey wax laga weydiiyey dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigraay wuxuu ku dheeraday dagaalkaasi waxa keenay iyo doorki ay ku lahaayeen.

Wuxuuna sheegay iney lama filaan ku noqotay kadisna ay ahayd iney ciidamada Itoobiya ay bishii June si fudud uga baxaan deegaanka Tigraay.

Dowladda Itoobiyana xilliga ay ciidamadeedu ka soo baxayeen gobolka Tigraay waxay sheegeen iney ciidamadu ula soo baxeen si isku dhacyada loo joojiyo gargaarka bani aadanimana shacabka gobolka Tigraay loo gaarsiiyo.

TPLF dhankooda waxay sheegeen ciidamada Abiy iney gobolka Tigraay ka baxeen marki dagaalka looga guuleystay.

Madaxweyne Isaayaas oo 20 sano ka badan hoggaaminaya dalka Eritrea wuxuu sheegay ciidamadiisu iney galaan gobolka Tigraay uu ku qasbay gantaalihi ay TPLF ku rideen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Eritrea.

Wuxuuna sheegay TPLF inuu Eritrea ay ku soo rideen gantaallo ayna qorsheynayeen 100 bartilmaameed ee dalkaasi ku yaalla iney duqeeyaan. Dagaalka Tigraay waxa ay uga qayb qateenna ay ahayd iney isdifaacaan oo keli ah.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamiga ah waxay ciidamada Eritrea ee ka qayb qaatay dagaalka gobolka Tigraay u soo jeediyeen eedeymo ku saabsan iney geysteen fal dambiyeedyo noqon kara dambiyo dagaal sida dil, kufsi iyo xadgudubyo kale oo xuquuqda aadanaha la xiriira. Inkasta oo Eritrea ay eedeymahaasi gaashaana ku dhufatay.

Taasoo keentay iney dalal badan ay Asmara cadaadis ku saaraan iney ciidamadeedu kala baxdo gobolka Tigraay.

Afawarqiii oo hadalkiisa sii wata waxaa u sheegay talisyadi dalka Itoobya isaga dambeeyey sida Boqor Xaylasillaase, Mangista iyo Dowladdi u dambeeysay ee TPLF/EPRDF. Dhibaka shacabka Eritrea lagu hayana uu soo socday 80 sano. Hase yeeshee qalalaasaha Itoobiya ka taagan uu dalkiisu indhaha ka qabsaneyn.

“Itoobiya oo aan xasilooni helin oo aan yeelan nidaam dowladeed oo xasiloonidaasi suuragelin karo, dowladdi timaaddaba ma aha inaan isxagxaganno. Marka door ayaa nagaga aaddan marka gacmaha kama laabaneyno waxa Itoobiya ka socdo,” ayuu yiri.

Waxaa kale uu madaxweynuhu wareysigiisu ku sheegay sanadihi u dambeeyey uu talada dalka Itoobiya hayey Abiy Axmed inuu rajeynayey iney wax badan isbaddalaan balse fallaagada TPLF iyo waddamada xulafada la ah oo uusan magac dhabin ay diideen isbeddelka ka dhacay dalka Itoobiya isla-markaana ay huriyeen dagaalka waqooyiga Itoobiya.

Nidaamka Fedraalka

Madaxweyne Isaayaas Afwarqii oo lagu yaqaanno naqdinta nidaamka federaalka oo ay qaateen waddamada gobolka qarkood gaar ahaanna nidaamka ku saleysan qabiilka ayaa markale wareysigiisa ku soo hadal qaaday.

Nidaamka Fedraaliga ee Itoobiya ka jira waa mid qabiil ku saleysan, dhibka laga dhaxlayna wa kan dalka Itoobiya u horseeday qalalaasaha sanadihi ugu dambeeyey ka taagnaa.

Wuxuuna sheegay nidaamka ee Fedraaliga qabiilka ku saleysan inuu yahay mid ay shacabka waddamadaasi ay dooneyn balse ay yihiin mid ay dabada ka riixayaan xoogaggaa shisheeya ee doonaya kala qaybsanaanta qowmiyadaha dalkaasi ku wada nool.

Isaga oo carrabka ku dhuftay nidaamka dowliga ee u wanaagsan inuu yahay kan midnimada ku saleysan, muwaaddinnimada qofka isaga oo aan loo eegin qabiilka ama qowmiyadda uu ka soo jeedo.

Arrimaha Gobolka

Madaxweyne Isaayaas arrimaha gobolka mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay arrimaha ka socda waddamada gobolka sida Soomaaliya iyo Suudaan.

Kala qayb sanaanta iyo dagaallada ka dhacayey Soomaaliya 30-ki sano ee ugu dambeeyey uu yahay mid walaac weyn ku abuuray.

Suudaanna waxay hadda haysaa ayuu yiri waddadi Soomaaliya ay soo martay 30-ki sano ee ugu dambeeyey mid la mid ah.

Arrimaha caalamiga ah

Isaayaas wareysigiisa wuxuu ku karbaashay dowladda Mareykanka uu ku sheegay iney dooneyso iney marweliba waxa dunida ka dhacaya ay iyada oo keli ah xalliso iyada oo danaheeda gaarka ah ka dhex raadineyso.

“Eritrea siyaasaddeenna uma hoggaansanto” go’aanki ahaa ee Mareykanka siyaasaddi ka dhalatay waxay keentay muwaaddiniinta dalka Eritrea iney la daalaa dhacaan cadaadiski ay Washington dalkooda siyaabo kala duwan u saartay.

Dagaalladi ay Asmara la gashay waddamada dersika la ahna waxay ahaayeen ayuu yiri kuwa ay soo maleegeen madaxdi isaga dambeysay dalka Mareykanka.

“Sanadki dhammaaday ee 2021-ka oo keli Mareykanka wuxuu Eritrea uu saaray laba cunaqabateyn” ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yu oo dhawaan booqday dalka Eritrea wuxuu cambaareeyey cunaqabateynka Eritrea la saaray.

Madaxweyne Isaayaas oo soo hadal qaaday booqashadi wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu sheegay xiriirka Istiraatiijiga ah ee labada dal u dhaxeysa iney haatan xoogeystay lana joogo xilligu heshiisyadaasi la meel marin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here