Isbarbadhigga badeecadaha ay Soomaaliya dhoofiso iyo waxa loo soo dhoofiyo

import and export

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid kala hadlay hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal-ku-galka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Imaaraadka u xushay safarkiisii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda. Xiriirka labada ayaa xumaaday dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2018, dowladda Soomaaliya ayaa $9.8 milyan oo ka timid Imaaraadka kula wareegtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Imaaraadka Carabta waa dalka koowaad ee Soomaaliya badeeco u soo dhoofiya, iyadana ay u dhoofiso. Haddaba warbixintan waxaan ku eegeynaa inta uu la eg yahay dhaqaalaha ay labada dhinac iswaydaarsadaan iyo noocyada badeecadaha.

Waxa loo soo dhoofiyo Soomaaliya

Xiriirka iswaydaarsiga ganacsiga ee labada waddan ayaa ah mid taariikh fog leh, inkastoo ay ku kala duwan yihiin tiro ahaan, sida lagu xusay bogga ka faallooda dhaqaalaha ee OEC.

Muddadii 15-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay badeecooyinka uu Imaaraadka u dhoofiyo Soomaaliya ayaa kordhay 13%.  Sanadkii 2015-kii waxay ahaayeen $206 milyan oo doolar halka ay 2020-kii noqdeen $1.28 bilyan oo doolar.

Sanadkii 2020-kii, oo ah markii ugu dambaysay ee xogta arrintan ku saabsan la soo saaray, Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya u dhoofiyay badeecooyin uu qiimahooda ku kacay $1.28 bilyan oo doolar.

Saddexda badeeco ee ugu muhiimsan

Badeecada ugu wayn ee Imaaraadka uu geeyay Soomaaliya waxa uu ahaa sigaarka oo kaligiis ay ku baxday lacag dhan $534 milyan oo doolar.

Waxaa ku xiga qalabka isgaarsiinta oo ay ku baxdo $115 milyan oo doolar iyo caanaha warshadeysan oo qiimahooda wadarta uu yahay $64.5 milyan oo doolar.

Waxyaabaha kale eel aga soo dhoofiyo imaaraadka waxaa ka mid ah:

Qalabka korontada – $153.35M

Nafciga xoolaha ukunta, malabka iyo caanaha – $69.65M

Baabuurta – $64.93M

Khudaarta, saliidda iyo dufanka kale – $37.14M

Dhagaxyada qaaliga ah iyo biraha – $32.54M        

Bacda iyo caagga  – $32.47M

Waxa ay Soomaaliya dhoofiso

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada badeecooyinka u dhoofiya Imaaraadka Carabta, hase yeeshee wadarta qiimaha ku baxa way ka yar tahay waxa ay ka keensato dhinaca Imaaraadka.

Badeecada ugu wayn ee Soomaaliya ay gayso Imaaraadka waa dahabka oo qiimihiisu uu sanad walba gaaro $111 milyan oo dolar.

Waxa layaabka leh waa inuu jiro dahab Soomaaliya laga qodo oo dibadda loo dhoofiyo, sida uu sheegay Yaxye Sheekh Caamir oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha dhaqaalaha.

Bishii May ee sanadkan ayuu bartiisa Facebook ku sheegay inuu u kuur galay ganacsi dahabkaas la xiriira oo Soomaaliya si xoog leh uga socda.

Wuxuu bartiisa ku qoray sidan: “Dahabkii laga dhoofiyay Soomaaliya 2020 iyo 2021 badankiis waxaa loo dhoofiyaa Dubai, Ruushka iyo Shiinaha. Hadda si xowli ah ayay uga socotaa dalka qodidda dahabka. Waxaa dalka ku soo badanaya xafiisyo si lacag-la’aan ah kuugu baaraya dhagax kasta oo aad ula timaado, kaddibna kaala heshiinaya [qiimaha].”

Waxaa ku xiga xoolaha nool , sida ariga oo isgu jira idaha iyo riyaha oo iyagana qiimahoodu noqdo $35 milyan oo dolar.

Xajiga, sida luubaanta, malmalka iyo wax soo saarka kale ee dhirta ayaa iyagana ka mid ah badeecooyinka ay Soomaaliya u dhoofiso Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo xarooda lacag dhan $25.8 milyan oo dolar.

Dhoofka ganacsiga ee dalalka kale

Sanadkii 2020 Soomaaliya waxay dibadda u dhoofisay badeeco lagu qiimeeyay 276 milyan oo doollar. Dhanka kale, waxaa dalka loo soo dhoofiyay badeeco lacag ahaan u dhiganta 4 bilyan iyo 200 oo milyan oo doollar.

Sanadkaas Soomaaliya waxay liiska dhaqaalaha adduunka uga jirtay 173 marka lagu qiimeeyo waxyaabaha ay dhoofisay, halka ay 140 ka gashay liiska waxyaabaha loo soo dhoofiyo.

Dalalka ay Soomaaliya badeecooyinka u dhoofisay waxay u kala horreeyaan sida soo socota:

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ($146M)

Sacuudi Carabiya ($39.2M)

Japan ($16.5M)

Bulgaria ($11.7M)

Shiinaha ($7.68M).

Waxyaabaha ay dalalkaas u soo dhoofiyaan Soomaaliya waxay isugu jiraan sigaarka oo ay ka macaashaan lacag dhan $577 milyan, sokorta oo Soomaaliya looga qaato $262 milyan, khudaarta oo looga beddesho lacag lagu qiyaasay $248 milyan, bariiska oo ay ku baxdo $206 milyan iyo qalabka warbaahinta oo laga siisto $150 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here