Isbarbardhigga awoodda milatari ee Mareykanka iyo Shiinaha

usa vs china army

Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay “ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Jeneraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu gadaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku “uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna “soo faragelinayo” arrimaha Shiinaha.

“Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labalabayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yiri Jeneraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.

“Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Biden
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhowaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay “halis ku ciyaarayso” maaddaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan.

Biden ayaa xilligaas wacad ku maray in Mareykanku uu jasiiraddan militeri ahaan u difaaci doono haddii lasoo weeraro.

Haddaba waxaanu is barbardhigeynaa awoodaha ciidan ee Mareykanka iyo shiinanaha.

Mareykanka

.

Mareykanka ayaa guud ahaan waxa uu leeyahay ciidan dhan 1.4 milyan oo askari. Halka ciidamada badda la sheegay in ay yihiin 346,200.

Ciidamada Badda ee Mareykanka waxay haystaan 51 markab oo ah kuwa quusa ee xambaara madaxyada nukliyeer-ka iyo 11 diyaaradood oo iyagana ah kuwa madaxyada nuliyeeka qaada. Isku soo wada duuboo, Ciidanka Bada ee Maraykanku waxa ay haystaan 296 markab oo ah kuwa dagaalka.

Ciidanka Cirka ee Maraykanku waa laan adeeg oo ka tirsan ciidamada qalabka-sida ee Maraykanka oo ku takhasusay dagaalka hawada. Waxaa la aasaasay bishii Sebtembar 1947-kii, iyadoo la raacayo sharciga amniga qaranka ee 1947-kii, waxayna xilligaasi ka mid ahayd laamihii cusbaa ee militariga Mareykanka.

Diyaaradaha ugu badan ee Ciidanka Cirka waxay adeegsadaan diyaaradaha F-16C Falcon, oo tiradooda gaareyso 783 xabbo.

.

Ciidanka Cirka ee Maraykanku waxa ay haysteen 4,100 diyaarad oo dagaal geli kara. Intaa waxa dheer, Ciidanka Cirka ee Maraykanka waxay haystaan 400 oo gantaallada ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga kala gudba.

Tirada shaqaalaha kaydka ee Waaxda Difaaca ee Maraykanka ayaa ahayd mid joogto ah ilaa sanadkii 1995. Sanadkii 2020, waxay ciidamada keydku ahaayeen 795,955.

Shiinaha

Qiimeyn uu sameeyay wargeyska Businessinsider oo soo xiganaya bogga Statista sanadkan 2022 ayuu ku sheegay in Shiinaha uu yahay waddanka ugu miltariga badan adduunka, iyadoo ciidamadiisa diyaarka ah ay gaarayaan 2.18 milyan oo askari.

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2019 ayuu Shiinaha sameeyay dhoolla-tuskii milatari ee ugu dambeeyay.

Waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiradoodu gaareyso 15,000 oo askari, 580 qalabka milatariga ah iyo 160 diyaarad oo nooca dagaalka ah.

Shiinaha waa waddanka ugu milatariga badan guud ahaan caalamka
Qoraalka sawirka,Shiinaha waa waddanka ugu milatariga badan guud ahaan caalamka

Shiinaha waa waddanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya milatariga, isagoo sanadkiiba u adeegsada $261 bilyan, sida uu shaaciyay Machadka Caalamiga ah ee Cilmibaarista Nabadda ee Stockholm.

Shiinaha waa waddanka saddexaad ee ugu sarreeya dhinaca awoodda diyaaradaha dagaalka, wuxuuna heystaa 3,210 diyaarad.

Shiinaha ayaa heysta taangiyo ay tiradoodu gaareyso 3,200, halka gawaarida gaashaaman ee uu heysto lagu qiyaasay 33,000, sida lagu xusay xog uu soo bandhigay bogga isbarbardhigga ku sameeya cududda milatari ee dalalka caalamka ee Global Firepower.

.

Shiinaha ayaa haysta qalabka gantaallada lagu rido oo ay tiradiisu gaareyso 2,650. Dhinaca awoodda baddana, Shiinaha ayaa haysta 777 maraakiibta ciidamada badda oo noocyo kala duwan ah. Shiinaha ayaa heysta 74 markab oo kuwa badda hoosteeda mara ah. Sidoo kale wuxuu heystaa 36 markab oo kuwa wax burburiya ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here