ISIMADA SSC RABITAANKA SHACABKA IYO JAMAAHIIRTA WAXAAN AHAYN CIDNA KUMA METELAAN

isimo gudi aayo katalin

Isimadda SSC iyo Gudiga Aayo ka talinta, xusuusnaada Shirka aad u fadhidaan dhalinyaraddii u dhimatay masaafo 30 talaabo ka yar, iyagoo eegaya oo indhaha kala haya ayaa xabad lidka diyaaradaha lagu dilay, qaarna jidhkoodii baa lagu jarjaray sida Hoodo Cabdikariin, sidaasdarteed inaad dhiiggii dumarka iyo dhalinyaradda caagleysataan laydiinku sharfi maayo.

Waxaa la sugayaa oo laydiin igmaday waa wax cad, waa qodobo nuxurkoodu yahay:

Wadajirka Islaamka iyo midnimadda Soomaaliya waa lama taabtaan.

Muddo shareeco ka dib in lagu Jihaado Maleeshiyadda Gooni-u-goosatadda ee degaamadda SSC xasuuqa iyo tacadiyadda ka geystay.

Degaamada SSC waa dhul Soomaaliyeed Maamulkooduna wuxuu hoos tegayaa Dawladda Federaalka Soomaliya.

Nuxurkii intaas iyo farsamadiisa ka baxsan cidna kuma mateshaan, waxaadna la meeqaam noqonaysaan Horgallada, kacdoonkuna idiin joogsan maayo. Waa lala socdaa in cadowgu ku rajoweyn yahay inuu idiin kala qaybiyo, siduu idiinka bartay. Xusuusnaada Isim walba wuxuu halganka ka geysto taariikhda ayey u gelaysaa.

Jamaahiirta Dhalinyaradda Kacdoonka ee Goboladda SSC, shirka loo fadhiyaa waa masiirkiinii aad dhiigga u soo shubteen, Soomaaliya iyo Caalamkuba indhaha ayey idiinku hayaan, dhalinyaradda Soomaaliyeed oo dhan ee qabiilku kala qoqobayna waxay eegayaan sida kacdoonkiinu u guuleysto, taariikh cusub baad dhigteen, sidaasdarteed waxaa laydiinka baahan yahay inaad feejignaan dheeraada muujiyaan, oo cadowga gudaha iyo horgallada qarsoon iska ilaalisaan. Isu soo baxa, tallada dacalka qabsadda oo ogaadda waxa soo baxaya, si aan dhiigiina loo caagleysan.

QOFKII LEEXDOW ADIGAA GUNNIMO DOORTAY KACDOONKUNA WUU SOCONAYAA.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA SSC.

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here