ISIMADDA IYO CULIMADA SNM MIDNA LAASCAANOOD LOOGAMA BAAHNA JAMAAHIIRTANA

soodhoweyn garaad jaamac g cali3

Hadalhaynta Hargeysa waxaa maalmihii u dambeeyey ku soo badanaysay in magaaladda Laascaanood loo diro Isimo, Cuqaal, Culimo iyo wax la mid ah oo Jamhadda SNM ka soo jeeda.

Dhalinyaradda Jamaahiirta Kacdoonka waxaa ku waajiba inay dadkaas magacyadda sheeganaya ay degaamadooda ka ilaaliyaan, waayo waa kuwii 15 sanadood ku faraxsanaa xasuuqii Goboladda SSC ka socday.

Weli miyaad aragteen Sheekh ka mid ah Culimadda Jamhadda SNM oo leh war xasuuqa iyo tacadiga dadkaas lagu hayaa waa xaaraan ee degaamadooda uga soo baxa? Jawaabtu waa maya, weli miyaad aragteen iyagoo ka hadlaya midnimada iyo Wadajirka diintu Muslimiinta ku waajibisay? waa Maya, wax cusub ma soo kordhinayaan, dusha ayey culimo uga egyihiin, hoostana Muuse Biixi iyo Ina Kaahin.

Guud ahaan Jamaahiirta Degaamada SSC waxaa la gudboon inay ogaadaan in muranka hargeysa yaal aanu ahayn wanaag, balse Isimadda, Xisbiyadda, Ururadda, Culimadda iyo waxgaradba ay Muuse Biixi ku haystaan, inuu khalday siduu Xasuuqa u fuliyey oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xirsi ka fiicnaayeen.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA DHALINYARADDA SSC, DHIIGGIINA IYO KACDOONKIINU KHASAAROOBI MAAYO, CIDNA MA IIBSAN DOONTO, HIIGSIGIINU WAA MIDNIMO SOOMAALIYEED INTA QOF IDIINKA NOOL YAHAY IYO DEGAAMADIINA OO AAD U TASHATAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here