ISKUDAYO LAGU BADBAADINAYO URURKII GABOOSE EE BARWAAQO OO HARGEYSA KA SOCDA

aasaasayaal barwaaqo kabaxay

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa magaalada Hargeysa ka socday isku-dayo lagu badbaadinayo Ururka Barwaaqo ee Dr. Gaboose hogaaminayo, ka dib markii kala-badh aasaaseyaashii Ururkaasi ay ka laabteen ka mid noqoshada Ururkaasi.

Siyaasiyiin iyo waxgarad badan ayaa ku dadaalaya inay Barwaaqo iyo Gaboose BAKHTI-AFUUFAAN intaanu SAQIIRIN, inkastoo Aasaaseyaasha ka baxay ay weli ku adkeysanayaan go’aankooda ka bixitaanka.

Aasaaseyaasha ka baxay ayaa waxay ka soo jeedaan BEELAHA HABAR-AWAL IYO DHULBAHANTE.

Gaboose waxaa Aasaaseyaashii kaga haray xubno ay isku degaan yihiin, wuxuuna todobaadkii tegay la daalaadhacaynayey magacyaddii uu ku buuxin lahaa xubnihii ka tegay.

Dhacdadan ayaa Dr MOHAMED CABDI GABOOSE ku ah dhabar-jab weyn oo tilmaamaysa nooca hogaamintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here