Israel oo hubkeeda difaaca gantaallada heegan gelisay iyo weeraro laga cabsi qabo

israel and iran flag

Maamulka Isreal ayaa ka cabsi qaba in weerar lagu soo qaado, sidaas darteed dhanka koonfureed waxey geysay gantaallada difaaca sida ay soo wariyeen warbaahinta maxaliga ah.

Sida xogta lagu helay, wadooyinka magaalo xeebeedka dhanka koonfureed ku taalla ee Eilat ayaa lagu arkay habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban.

Warbaahinta waxey warisay in maamulka Israel ay cabsi xoog leh ka qabaan in weerar uga yimaado dowladda Islaamiga ah ee IRAN, kuwaas oo wali ka careysan dilkii loo geystay hogaamiyahoodii dhanka sirdoonka ee Jeneral Qassem Soliemani.

Iran waxey markaas ku dhawaaqday iney sameyneyso aargoosi, dilkii janaraalka waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah, sidaas darteed maamulka Yahuudda tan iyo bilowgii sanadkaan waxey difaac uga jireen weeraro ay kaga cabsi qabeen IRAN.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa sheegay in cabsi baahsan ay heyso Maamulka Isreal maadaama xiisadda gobolka ay kacsan tahay, waxeyna sugayaan dhaarinta madaxweynaha cusub ee mareykanka Joe Biden oo ku beegan 20-ka bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here