Itoobiya: “Dadkii ku hadlay afka Oromada wey daayeen intii kalana wey dileen”

ethiopia map

Dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa 15 qof ku dilay dad saarnaa bas ka soo kicitimay magaalada Bure ee ku taalla Galbeedka deegaanka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Mid ka mid ah rakaabkii saarnaa baska 15-ka qof ee la dilay lagala dagay oo BBC u warramay wuxuu sheegay Baska inuu ka soo kicitimay magaalada Bure uuna ku socday magaalada Naqamte.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Horo-Gudruu Gaashaanle Birhanu Yabaasaa wuxuu warbaahinta afka dowladda ku hadasha u sheegay dableey ka tirsan Jabhadda Onag-Shane iney Baska joojiyeen kaddibna ay kala dageen 15-ka qof ee ay dileen, sida oo kalana ay jiraan dad uu shilkaasi dhaawac ka soo gaaray.

Taliyuhu wuxuu intaasi uu ku daray dadka ay dableeyda dileen iney isugu jiraan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Qof goob joogga ahaa muxuu sheegay?

Ninkan goob joogga ahaa oo magaciisa la qariyey wuxuu BBC-da u sheegay xilli barqa ah iney gaari bas ah oo ku socday magaaladaNaqamte iney ka soo raaceen magaalada Bure.

“Magaalada Bure markaan xoogaha ka soo maqneen waxaa na joojiyey rag hubeysan oo aan tiradooda ku qayaasay labaatan, qaar waddada hareeraheeda ayey aag ka haysteen halka qaarna ay waddada bartankeeda taagnaayeen oo ay rakaabka baska ka soo dajinayeen. Waxayna billaabeen iney afka Oromada qof weliba ku weydiiyaan halka uu u socda.” ayuu yiri qofkan goob joogga ahi.

“Intii afka Oromada garaneysay oo aan anigu ka mid ahaa wey na daayeen, intii afka Oromada aan garaneyna baska ayey kala dageen kaddibna waxay u kaxeeyeen duurka. Inta ay dableydu rakaabka kala saarayeen 4 qof ayaa isku dayday iney baxsadaan balse afartiba anaga oo arkeyna ayey dileen” ayuu yiri.

Ninkan goob joogga ah wuxuu sheegay inuusan arkin dad kale oo ay dileen balse marki ay magaalada ugu horreysay tageen loo sheegay dableyda dadki ay baska kala dageen kulligood iney dileen, dadka ay sii daayeenna ay ahaayeen 26 qof oo rakaab ah.

“Inkasta oo aan anigu ku badbaaday afka Oromada oo aan garanayey in dad rayad ah oo aan waxba galabsan qabiilkooda dartii loo dilo waa wax laga argagaxo, naxdinti aan halkaa ka soo qaaday darteedna maalin dhan hadal wuu iga soo bixi waayey maanta ayaan hadalba billaabay” ayuu yiri ninkan goob joogga ahaa ee BBC-da u warramay.

Waxaa jiro walaac laga muujinayo xaaladda guud ee dalka Itoobiya gaar ahanna dagaallada ku saleysan qoomiyadaha taas oo keeni karta saameyn ballaaran oo gudaha iyo dibaddaba ah, iyada oo dagaallo beeleedyadi ugu xumaana ay ka dhaceen deegaannada Benishangul Gumuz, Oromiya iyo Amxaarada.

Dalka Itoobiya waxaa sanadihi u dambeeyey ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha dalkaas oo ay dad badanna ku dhinteen. Sidoo kale dagaallada ku saleysan qoomiyadaha ayaa qasbay in ay kumanaan qof barakacaan.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa marwalba waxay sheegtaa in amniga dalka ay gacan bir ah ku qabaneyso, cidkasta oo dalka qalaalaase u horseedaysana ay tallaabbo ka qaadeyso.

“Walaaca badan ee la muujinayo waa cabsi ah in Itoobiya ay burburto, sababta keenaysana waxaa weeye in Itoobiya ay qoomiyado ahaan isku haysato. Marka xaalkeedu waa gacan calool ku jirta,” ayuu yiri C/nuur Ibraahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha amniga ee gobolka.

Waxyaabaha walaaca keenaya ayaa la sheegayaa in ay yihiin in dagaallada qoomiyadaha ee inta badan ka dhacaya dalka Itoobiya ay salka ku hayaan dhanka awoodda.

Qorshaha hadda ee dowladda Itoobiya wuxuu yahay in ay qabato doorashooyiin wakhtigoodii ka dib dhacay oo dadka ay codkooda ka dhiiban doonaan horraanta bisha Juun. laakiin sabab la xiriirta isku dhacayada gobalka Tigray ayaa sababay in doorashada laga joojiyo gobalkaas, waxaana jiro “cabsi laga qabo in ay rabshado kale ka dhacaan qaybaha kale ee wadanka”, sida ay qabaan dadka ka faalooda arrimaha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here