Itoobiya: Deegaanka Tigreega oo doorashada ka qaatay mowqif ka duwan kan dowladda dhexe

ethiopia map

Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Dabresiyon Gabra-mikael ayaa sheegay deegaankiisu inuu doorasha u gaar ah uu qabsanayo lagana taxaddarayo faafitaanka Covid-19.

Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF Dr Dabresiyon Gabra-mikael oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale wuxuu yiri “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, anagu doorashada waan qabsaneynaa iyada oo laga taxaddareyno faafitaanka fayraska Corona.”

Wuxuuna intaa ku daray “Deegaankannaga dhanka sharciga anaga oo ka eegeyno inaan xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay quseyso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ayey doorashadu dhaceysaa.

Madaxweyne ku xigeenkau waxaa kale uu sheegay Dowlad Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya doorashada uu qabanayo iney ku kallifeyso meel marinta go’aanka shacabka deegaankaasi iyo dastuurka deegaanka oo loo hoggaansamayo.

“Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxeyso haddii xillligaa ka hor ay doorasha qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael.

Tartan ayaanu galaeynaa in nala doorto iyo inaan nala dooranba wey dhici kartaa” ayuu yiri Dr Dabresiyon Gabra-mikael mar uu ka hadlayey waajibnimada iney doorashada deegaankaasi qabsoonto.

“Cudurka Coronavirus ee dalka ka jira ma aha inuu sabab u noqdo in xukunka lagu dheereysto” ayuu yiri.

“Doorashada waxa ay dib ugu dhigtay dowladda dhexe ma aha sida ay sheegeen cabsi laga qabo faafitaanka cudurka safmarka ee Coronavirus, balse dowladda dhexe marki horaba ma dooneyn doorasho iney xilligeeda ku qabsoonto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega ahna guddoomiyaha xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF, Dr Dabresiyon Gabra-mikael.

Dowladda dhexe mowqifkeeda muxuu yahay?

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya oo ay deegannada qaar ku doonayaan iney doorasha u gaar ah qabsadaan.

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.

“Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.”

“Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.”

Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri:

“Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.”

Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah.

“Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri.

“Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.”

“Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa.

Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here