Itoobiya oo dayax gacmeed hawada sare u dirtay

ethiopia dayaxgacmeed

Dowladda Itoobiya ayaa ku guuleysatay in ay hawada sare u dirto dayax gacmeed markii ugu horeysay.

Dayax gacmeedkan oo laga tuuray gudaha dalka Shiinaha ayaa Magaalada caasimadda ee Addisababa waxaa lagu qabtay xaflad ay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa horeba si toos ah uga daawanayeen xilliga la dirayay dayax gacmeedka.

Xafladaas dadka ay ka daawanayeen ayaa waxa kasoo qeybgalay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen, ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Hailemariam Desalegn iyo wasiiro katirsan xukuumadda.

Dayax gacmeedka oo laga tuuray meel aan ka fogeyn caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ujeedka ugu weyn ee ay ka leedahay ay tahay in lala socdo cimilada iyo deegaanka iyo in uu gacan ka geysto horumarinta beeraha, macdanta, horumarinta magaalooyinka iyo sidii looga gaashaaman lahaa arrimo ay kamid yihiin abaaraha soo noqnoqday.

“Waxaa kale oo dayax gacmeedkan loo adeegsan doonaa saadaasha hawada, dib u habeyn lagu sameeyo beeraha iyo horumaarinta kaabayaahsa dhaqaalaha,”ayuu yiri Getahun Mekuria oo ah wasiirka tiknolojiyadda Itoobiya oo la hadlay warbaahinta maxaliga.

Sidoo kale xukuumadda Addisabab ayaa sheegtay in dayax gacmeedkan lagu tababari doonaa injineerada dalkaas, waxaana ay intaa raacisay in saddexda sano ee soo socoto ay hawada sare u diri doonaan dayax gacmeed kale oo dhanka isgaarsiinta.

.
Mas’uuliyiintii ka qeybgalay xafladda

Hirgelinta tallaabadan ayaa waxaa iska kaashaday injineerada Itoobiya, kuwa u dhashay Shiinaha iyo Dowladda Shiinaha oo inta badan bixisay kharashka ku baxay iyo halka loo adeegsaday in lagu farsameeyo dayax gacmeedka, maadaama Itoobiya aysan lahayn awoodaas.

“Shiinaha waxaa uu inoo tababaray injineero hawada sare oo u dhashay dalkeena Itoobiya, kuwaas oo qaar kamid ah lagu tababaray gudaha Itoobiya. Injineerada Itoobiya waxaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan dayax gacmeedkan,” ayuu raaciyay Getahun.

Itoobiya ayaa leh 21 injineer oo loo tababaray hawshan, shan kamid ahna waa dumar, taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay awood siinta dumarka.

.
Dayac Gacmeedka Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here