Itoobiya oo dembi weyn kusoo oogtay Jawaar Maxamed iyo shaqsiyaad kale

jawaar maxamed

Xeer ilaaliyaha Itoobiya ayaa sheegay in Berri oo Isniin ah la maxkamadeynayo Siyaasiga Oromada ah ee Jawaar Maxamed iyo 24-ruux oo kale kuna eedeysan waxa loogu yeeray falal argagixiso.

Qaarkood ayaa maqanayaal ah, waxaana gacanta Dowladda ku jira shaqsiyaad koobaan oo uu ugu tun weyn yahay Jawaar Maxamed oo mar awood badan ku lahaa Warbaahinta balse u xuubsiibtay dhanka Siyaasadda.

Eedeynta ugu weyn ee loo heysto waa in dhimashada 150-ruux, inkasta oo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha tirada intaas ka badiyeen, maadaama la qariyay shaqsiyaadka qaar, waxa ay ku dhinteen isku dhac ka dhashay dilka Fannaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo la toogtay.

Dowladda Federaalka Itoobiya oo qiil raadis u ahayd xarigga Jawaar ayaa fursad u heshay, kadib markii taageerayaasha fannaanka iyo ilaaladiisa isku dhac dhexmaray ay ku dhinteen dadka gaaraya 150-ka ruux.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska loo heysto Jawaar Maxamed iyo shaqsiyaadka kale ee la eedeysan la horgeynayo si ay waano ugu noqoto dadka isu dayaya in ay abuuraan qalaalaase Salka ku haya isir iyo diin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maqaal uu ku qoray Wargeyska Economist ee kasoo baxa dalka Ingiriiska todobaadkaan waxa uu ku sheegay in ay jiraan shaqsiyaad kasoo horjeeda horumarka Itoobiya, isla markaana abuuraya nacayb ay ku kala qaybiyaan dadka oo ku salaysan isir iyo diin.

Jawaar Maxamed iyo shaqsiyaadka kale ee la horgeynayo Maxkamadda oo taageero muuqda ku leh Itoobiya waxaa laga cabsanayaa in ay rabshad sameeyaan kahor inta aan loo fadhiisan dhageysiga eedaha loo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here