Itoobiya oo magaalooyin hor leh kala wareegtay TPLF

ciidamada tigray

Dowladda Itoobiya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

War ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalooyin hor leh oo ku yaalla gobolkaasi, kadib duulaan ay qaadeen.

Magaalooyinka ay sheegatay xukuumadda Addis Ababa inay la wareegtay waxaa ka mid ah Aksum iyo Adwa oo horey ugu sugnaayeen ciidamada deegaanka ee TPLF.

Sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in ciidamadii ku sugnaa labadaas magaallo ay isa soo dhiibeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale haatan ku sii dhowaanaya magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Tigray oo ku aadan sheegashada dowladda Itoobiya ee ku aadan la wareegitaanka Aksum iyo Adwa.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa guddi gaar ah u xil-saaray xiisada dagaal ee dalka Itoobiya & sidii looga hortagi lahaa.

Shaqsiyaad loo saaray waxaa ka mid ah Joaquim Chissano oo ah madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf oo ah madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo  Kgalema Motlanthe oo ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Xubnahan ayaa shaqadoodu waxa ay noqon doontaa dhex-dhexaadinta dowladda iyo hoggaanka jabhadda TPLF.

“Shaqadooda ayaa ah  dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa weli aad u kacsan, iyada oo Is-gaarsiinta iyo Internet-ka gobolka uu dagaalka ka socda uu yahay mid go’an muddo labo todobaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here