Itoobiya oo u muuqato inay dhageysatay baaqii Qaramada Midoobay ee Tigray

ethiopia map

Itoobiya ayaa sheegeysa in inkabadan 150 gaari oo xaamuul ah oo siday gargaar bini’aadanaimo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay galeen gobolka uu dagaalka daashaday ee Tigray.

Hadalkan ka soo baxay wasaaradda nabadda ee Itoobiya ayaa imanaya maalma uun ka dib markii Qaramada Midoobay ay xukuumadda Addis Ababa ugu baaqday in dhaq-dhaqaaqa gargraagka bini’aadanimo aanay wax shuruud ah ku xirin.

Midowga Afrika ayaa sheegay in weli loo baahanyahay in wax-badan laga qabto gargaarka si loo xaqiijiyo inuu gaaro shacabka tabaaleysan ee ku xayiran gobolka Tigray.

Gulufka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF ayaa bilowday bishii Nofeembar ee sannadkii tagay. Qaramada Midoobayna waxay sheegeysa in dad ka badan shan milyan oo qof ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here