Qaar ka mid ah haweenka ku nool bariga Jamhuuriyadda Koongada Dimuqraaddiga ah ayaa uga sheekeeyay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) tacaddiyo ay kala kulmeen kooxo hubeysan oo afduubtay, kaddibna madaxfurasho ka dalbaday.
Kuwo badan oo ka mid ah dumarkan ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay dhexdooda laga afduubtay beero ay ka shaqeynayeen, waxaana lagu khasbay inay lugeeyaan saacado badan, ilaa laga geeyo xerada xayawaanka ee Virunga, taasoo ay leedahay hay’adda Unesco.
Xeradaas ayaa lagu hayay, laguna garaacayay ilaa inta ay qoysaskooda ka bixinayeen lacagaha madaxfurashada ah ee burcadda afduubatay ay doonayeen.
“Waxay na tuseen lafo qalfoof bani’aadan ah oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dad amarkooda diiday, markaas kaddibna ay dileen,” ayey tidhi Yolande, oo ka mid ah haweenka la afduubtay ee soo badbaaday.
“Mararka qaarkood waxay daminayeen telefoonnadooda, si ay cadaadiska ugu badiyaan qoysaska, maadaama aysan ku faraxsaneyn qiimaha loo soo bandhigay. Ragga afduubka loo soo qabsaday ayaa loo garaacayay si ka daran sida haweenka loo garaacayay.”
Haweenka iyo gabdhaha yar yar ayaa si joogto ah loo kufsanayay maalin kasta oo ka mid ah xilliga afduubka loo heystay.
Inta badanna waxaa tacaddigaas loo geysanayay iyadoo raggii afduubka loo heystay ay daawanayaan, gacmahana ka xirxiran yihiin.
“Kuwa afduubka igu heystay waxay telefoon ka wici jireen qoyskeyga iyagoo i kufsanaya, si ay qaraabadeyda u maqlaan baroorteyda; waxayna doonayeen inay dareensiiyaan sida aan u dhibaatooneyno,” ayey tidhi Sarah, oo 18 jir ah, uur saddex bilood ahna lahayd markii afduubka laga sii deynayay.
Ragga afduubka u heystay haweenkan waxay si guud dadkaas gacanta ugu hayeen qiyaastii isbuuc ama 10 maalmood, raashin iyo biyo ku finanna ma aysan siineynin. Sidoo kale waxay ku hayeen dhul iska bannaan oo aan hoy lahayn.
Qaar badan oo ka mid ah kuwa tacaddiyada galmada ah loo geystay waxay waxyeello kasoo gaadhay dhinaca maskaxda, iyagoo dhaawacyo jirka ahna qabay.
Xitaa markii lasii daayay kaddib ma aysan helin caawinaad fiican. Badankood waxaa iska deyriyay waalidiintooda, ama waxaa loo arkayay dad ceeb wata oo nasiib darrana ay daba socoto.
Mid ka mid ah gabdhahan, oo lagu magacaabo Monique, ayaa sheegtay in seygeeda uu wali ku eedeeyo faqriga heysta qoyskooda, mana siiyo lacag ku filan kharashka reerka iyo caafimaadka.
“Wuxuu mar walba igu canaantaa in lacagtii aan heysannay oo dhan lagu bixiyay madaxfurashadii la igu sii daayay,” ayey tidhi.
In ka badan 170 kiis oo noocan ah, oo ay diiwaan galisay hay’adda HRW, ayaa badankood waxaa lagu sheegay in lacagta madaxfurashada ah ee laga bixiyay qofkiiba ay gaareysay inta u dhaxeysa $200 (£153) ilaa $600 oo doolar.
“Qoyskeyga waxay iibiyeen dhulkeennii iyo ridii ugu dambeysay arigeenna, sidoo kalena waxay iibiyeen loor digir ah oo noo yaallay guriga. Waxay xitaa deyn kasoo qaateen dukaan… Dhibaato weyn ayaa na heysata,” ayey tidhi Elizabeth.
Dadka soo badbaaday badankood waxay sheegeen in booliska aysan wax wareysi ah ka qaadin markii lasoo daayay kaddib. Sidaas darteed waxay dareemayaan in aysan jirin caddaalad.