Jabuuti war kasoo saartay go’aanka DF ee xiriirka Kenya

Djibouti flag

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane  Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ee ku aadan dib usoo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xiriirka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonoda gobolka oo dhan.

“Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolkeenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dowladda federaalka ayaa warqad u dirtay Kenya, taas oo ay ku shaacisay inay dooneyso dib usoo nooleynta xiriirka labada dal, si dib loogu furo safaaradaha labada dowladood.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana Kenya ay joojisay duulimaayada inkastoo ay markale dib u furtay, halka Soomaaliya ay iyana horey u joojisay qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga soo daabuli jiray dalka Kenya.

Arrimahan ayaa kusoo aadeyso, iyada saaka ay si rasmi ah u billowdeen duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii la qaaday xayiradii saarneyd.

Si kastaba labada dowladood ayaa haatan muujinayo isku dhowaasho dhinaca dibulmaasiysadda ah iyo fur-furnaan, si meesha looga saaro khilaafka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here