Jadwalka rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha oo lasoo saaray (Aqriso)

doorasho soomaaliya

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in 15-ka May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Guddiga Labada Gole BFS ee Qaban-qaabada Doorashada Madaxwaynaha ayaa jadwal ay soo saareen maanta sidoo kale ku sheegay in diiwangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha ay bilaaban doonto 8-da bishaan ayna socon doonto illaa 10-ka bishaan.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhici doonto 11 illaa 12 May, ayada oo 13-ka iyo 14-ka bishaan uu guddiga soo dhameystiri doono u diyaargarowga doorashada, islamarkaana maalinta ku xigta ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa yeelan doonta madaxweyne cusub 10 maalmood gudahood, haddii uu sidiisa u fulo jadwalka uu guddigaan shaaciyay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska Beesha Caalamka, oo hakad galiyay dhaqaalihii & deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya iyo weliba culeysada kale ee ka dhashay daaha doorashada.

Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa shalay soo xulay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo durtaba bilaabay dardar xoogan oo ku aadan qabsoomida doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa dhan 17 xubnood waxayna 10 kamid ah iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaalada kala guurka, ayada oo hanaanka doorashooyinka ay wajaheen culeyso iyo khilaafyo hor leh oo markii dambe badankooda xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here