Jahwareerka ka dhashay RAALI-GELINTII uu bixiyey afhayeenka Xasan Sheekh

afhayeen xasan sheekh Kaar

 Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal uu horey u sheegay oo la xiriiray wada-hadalladii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ee magaalada Qaahira.

“Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa si khaldan fahamtay una xigtay qaar ka mid ah jawaabaheyga intii lagu guda jiray warbixin aan 27-kii July ka siiyey booqashadii taariikhiga aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Qaahira iyo wada-hadalladii xigay ee uu la yeeshay dhiggiisa madaxweyne Abdelfatah el-Sisi,” ayuu yiri Cabdikariim.

“Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan loo fahmay loona xigtay sharaxaad aan ka bixiyey hadalladii madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee ay madaxweyne Xasan Sheekh ku wada qabteen qasriga madaxweynaha Al-Ittihadiya.”

Cudurdaarka uu bixiyey Cabdikariim, ayaa dhaliyey su’aalo ka badan jawaabihii uu isku dayey inuu bixiyo, waxaana ka muuqday khaladaad iyo jahwareer badan oo ay ka mid yihiin:

1- Cabdikariim wuxuu sheegay inuu raali-gelin ka bixinayo in warbaahinta ay si khaldan u xigteen. Balse xaqiiqda ayaa ah, haddii adiga aadan sheegin wax khaldan uma baahnid inaad raali-gelin bixiso. Haddii ay kula tahay in warkaaga si khaldan loo xigtay oo loo fasiray, waxaa kuu banaan laba kaliya; inaad dib ugu celiiso sida aad warka u tiri oo sharaxad dheeri ah raaciso, oo ka saaraya mugdi kasta; iyo inaad ka aamusto haddii ay kula tahay in markii horeba warkaagu caddaa. Balse adiga oo raali-gelin bixinaya, haddana eedda cid kale dusha kama saari kartid.

2- Su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay raali-gelinta afhayeenka ayaa ahyd: Muxuu horta raali-gelin ka bixinayaa? Ama muxuu yahay hadalka uu sheegay in sida khaldan loo fasiray? Labadaba kuma caddeyn qoraalkiisa. Kaar waxaan ka fileynay inuu noo sheego hadalka “sida khaldan loo dhigay” iyo sida saxda ah ee uu rabay in loo tabiyo.

3- Qoraalka kasoo baxay afhayeenka wuxuu dhaliyey jahwareer cusub, oo ku saabsan halka ay Soomaaliya ka taagan tahay biyo-xireenka muranka dhaliyey ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile. Hadalkii Sisi ee Qaahira wuxuu ahaa in Soomaaliya ay la qabto cambaareynta ah; in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis lagu wada aheyn. Haddana waxaa hadalkaas ka daba yimid afyaheenka Villa Somalia oo u dhigay in Soomaaliya aysan la safan Masar. Haddana mar kale isagaa ka daba yimid hadalkiisii una muuqda inuu ka laabanayo, taasi oo sheekada u celineysa halkii ay joogtay Qaahira iyo in Soomaaliya hadda raacsan tahay dhanka Masar.

Arrintan waxa kale oo ay dhalineysa su’aal ah; in cudurdaarka ka yimid afhayeenka uu ka dhashay cadaadis ka yimid dhanka Masaarida oo ku saabsan in Soomaaliya ka laabatay arrin ay labada madaxweyne isku soo raaceen.

4- Waxay ahaataba afhayeenka Villa Somalia wuxuu dowladda Soomaaliya, shacabka iyo warbaahintaba geliyey jahwareer siyaasadeed. Wuxuu u muuqda qof aad u jecel hadalka, marka hadalka batana waxaa bata khaladaadka. Wuxuu marar badan isku dayaa inuu ka hadlo ama sharxo waxyaabo ay diblomaasiyad ahaan ku habooneyd in laga aamuso. Marka uu ka hadlana wuxuu dhexgalaa khalad diblomaasiyad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here