JAMAAHIIRTA KACDOONKU WAA INAY DHISTAAN GARABKII CIIDANKA IYO SARAAKIIL CUSUB

hoodo cabdikariim aadan

Waa arrin murugo leh in HALAGAMAAYAD HOODO DR CABDIKARIIM AADAN, iyadoo midnimadda Soomaaliya u halgameysa ay Maleeshiyadda gooni-u-goosatada SNM ee hogaamiyo GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi lugteedii Jaraan, waa halgamaayad si sharaf leh Lixaadkeedii u weyday, illaahay baa kheyr ugu bedelaya, Soomaali oo dhan baa garab taagan.

Jamaahiirta dhalinyaradda Kacdoonka ee SSC, waxaa idiinku waajib ah inaad Isweydiisaan sababta wax 15 sano profosooradii Caalamka ugu cilmiga badnaa, garaado, cuqaal, saraakiil iyo waxgaradkii kale ku guuleysan waayeen, ay 15 maalmood ka yar idiinku qaadatay, Maleeshiyaddii 15 sano magaalada dhibayey ee Waxgaradka Madaxa u soo duubanayeyna aad 15 daqiiqo ugu saarteen? Jawaabtu waa DAACADNIMADIINA IYO DHIIGIINA AAD HURTEEN.

Waxaad u baahan tihiin inaad raadsataan Saraakiil dhalinyaro ah, geesiyaal ah oo ku cibaadeysta Soomaalidiidka Degaamadiina Xasuuqa iyo tacadiyadda ka wada. Waxaa jira saraakiil hub iyo gaadiid badan haysta, laakiin waxba kuma tarayaan, waxay ka dhigteen illo ay dhaqaale ku raadsadaan, Horgalka waxaa ka xun qofka aan waxba qabaneyn ee ku hoodadeeya. Dhiig cusub oo dhalinyaro ah baa loo baahan yahay, 20 tikniko ah waxaa ka fiican 20 wiil oo gaade ah, GEESIGII ISMUUJIYA AYAA XIDIGAHA LA SIINAYAA.

Ha yeelina Ciidamadda aan beello u qaybsano, horaa loogu khasaaray, halganka qofkii rabo ayaa ka qaybgelaya, sida laascaanood ka socota, caaqil hebel iyo Garaad hebel intaas oo ciidan ah ha keeno fashil bay ku dambeynaysaa, ninkii halganka rabaa isagaa meeshuu ka socdo ugu imanaya.

Qurbejoogtu haday doonayaan in degaamadan Xasuuqa laga dulqaado waa inaad dhaqaalihiina ku taageertaan dhalinyaradda oo koofiyad bacleyaasha meesha ka saartaan.

GUUL IYO GOBANIMO DHALINYARADDA SSC

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here