James Swan oo sheegay in Soomaaliya ay diiday rabitaankii beesha caalamka

james swan

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa kulan fogaan arag ah oo uu Sabtidii uga qeyb galay alaada ZOOM-ka, ku sheegay in Qaramada Midoobay ay rabtay nooc doorasho oo ka duwan midka lagu heshiiyey.

James Swan ayaa niyad jab ka muujiyey in rabitaankii Qaramada Midoobay uu meesha ka baxay, balse uu ku faraxsan-yahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamuladu ay ka heshiiyeen khilaafkii doorashada.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololaynayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya, hase yeeshe shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan doorasho qaab kale ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ku saabsanaa doorashada uu taageero ka helay dhinacyo badan oo ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in doorashada dad-ban aysan xal aheyn balse ay u taageerayaan oo keliya sidii Soomaaliya looga bad-baadin lahaa jawhareer siyaasadeed oo hor leh.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay inay doorato hogaamiyeyaasheeda, walow ay suurto-gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weynahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Mana jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn-yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toos-toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, oo ay kamid tahay qoondada haweenka (30%) ee ku metelaya barlamaanka federalka ah iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista oo noqota mid loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here