James Swan oo sheegay inuu ka welwelsan yahay diidmadii ergeygii Midoowga Afrika

John Dramani Mahama ergey afrika

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay fursadda hortaalla hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Muqdisho xilli uu khudbad ka hor jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midoowga Afrika ay usoo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.

Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo ergeyga gaarka u qaabilsan Soomaaliya isla markaana wuxuu hakiyay shaqadaas.

Arrimaha doorashada

Swan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay isu tanaasulaan si heshiis looga gaaro khilaafka arrimaha doorashada.

“”Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho uu ka soo baxo qodobo la fulin karo si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah, waxaan amaanayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyed ee doonayay tanaasulka iyo is afgaradka inta lagu guda jiro xilligan, taasoo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. arrinta tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahan yahay si horay loogu sii socdo” ayuu yiri James Swan.

Warbixin gaar ah oo ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankii muddo kororsiga ee 12-kii April uu dalka geliyay xasilooni daro baahsan iyo kala qeybsanaan siyaasadeed, balse waxaa aad loo bogaadiyay ka laabashadii uu madaxweyne Farmaajo codsaday.

”Madaxweyne Farmaajo ayaa xaaladda meel halis ah ka soo celiyay kadib cadaadis xoog leh, Golaha Shacabka 1-dii Maajo ayuu dib ugala noqday Sharcigii gaarka ahaa, codsi ka yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweynaha ayaa intaas kadib awood u siiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu hoggaamiyo howlaha doorashooyinka, oo ay kamid yihiin arrimaha amniga iyo wadahadalada lala yeelanayo madaxda maamul goboleedyada, tallaabooyinkaas waxay ka hortaggeen xiisad”

Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u sheegtay in lagu heshiiyay shirkii arrimaha doorashada ee ka socday teendhada Afisiyoone ee Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlayay shir gaar ah oo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in isfaham buuxa laga gaaray dhammaan arrimihii laga wada hadlay, islamarkaasna shirka lasoo afmeeri doono maalinta khamiista.

Waxa uu wasiirka si gaar ah uga hadlay khilaafkii ka taagnaa xildhibaanada Waqooyiga, wuxuuna sheegay in ay kulan yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iskuna afgarteen qaabkii loo wajihi lahaa doorashada xildhibaanada Waqooyiga.

Haseyeeshee Wasiirka ma uusan faahfaahin waxyaabaha rasmiga ah ee lagu heshiiyay.

Amniga

Wuxuu sheegay xaaladda amniga ay tahay walaaca ugu weyn.

Swan ayaa sheegay in Al Shabaab ay yihiin halista dhabta ah maadama ay qaadayaan weeraro bartilmaameed ah guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay sii wadaan howsha ku aadan dhismaha ciidamada iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Xaaladda bani’aadanimo

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 5.9 qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar banii’aadnimo sanadkan.

Boqolkiiba 80 dadka ku nool dalka waxaa saameeyay dhibaatada ka dhalatay abaaraha.

Swan ayaa ugu baaqay dalalka xubinta ah Qaramada Midoobey inay kasoo qeybqaataan dadaallada wax looga qabanayo xaalaadda banii’aadanimo ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here