James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashada xilli dib u dhac uu muuqdo

james swan

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in waqtigeeda oo lagu soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya ay muhiim u tahay dalka, xilli ay muuqato inay dib uga dhaceyso waqtigeeda.

Doorashada ayaa heshiiskii la gaaray 27-ka May waxaa lagu go’aamiyey inay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, waxaana ayada oo hadda ay baxday bil ka mid ah muuqata inaysan taasi suurta-gal aheyn.

“In hanaanka doorashada waqtigeeda lagu soo dhameystiro, iyo si ku dhisan heshiis haysta dhammaan taageerada shacabka Soomaaliyeed, waa u muhiim xaqiiqdii wax ka qabashada ahmiyadaha dalku u baahan yahay ee dadka looga faa’iideynayo,” ayuu James Swan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu, isaga oo ku sugan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb-galay madasha diblomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum.

“Tani waa daqiiqad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa howlgalka QM ee Soomaaliya.

James Swan ayaa ammaanay dadaallada la xiriira doorashada ee uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii April si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashada iyo amnigeeda.

“Aad ayaan ugu qanacsannahy in lixdii toddobaad ee tegay, uu ra’iisul wasaare Rooble hoggaamiyey wada-hadallo dhab ah oo uu la yeeshay madax goboleedyada, oo ay heshiis doroasho isku raaceen 27-kii May, kaasi oo deg deg ah loo hirgelinayo, waxaana si firfircoon u taageereynaa fulintiisa,” ayuu yiri James Swan. 

Swan ayaa sheegay in saaxiibo badan oo caalami ah ay si aad ahu daneynayaan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Turkiga ay ka mid yihiin kuwa ugu muuqda. 

“Turkey waxay ku lug leedahay taageerada qeybta amniga, waxay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo. Turkey sidoo kale waxay kaalin ka qaadaneysaa xiriirka dhinacyada aan dowliga aheyn,” ayuu yiri.

“Waxaa jira caqabado amni oo weli taagan, gaar ahaa cawaaqibka joogitaanka Al-Shabaab ee dalka, waxaana sii dheer baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.” 

Swan ayaa sheegay in booqashooyin ay dhowaan xubno ka tirsan beesha caalamka ku tageen maamul goboleedyada ay qeyb ka tahay isku day lagu xoojinayo dardarta lagu qabanayo doorashada, si aan looga gaabin. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here