Jamhadda TPLF oo laga qabsaday magaalo taariikhi ah

ethiopian army

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreeda ee TPLF.

Qabsashada magaaladaasi ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa noqoneysa guushii ugu dambeysay ee ay dowladdu sheegato tan iyo markii todobaadkii hore uu ra’iisalwasaare Abiy Axmed u baxay furimaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo hawlgalka ciidamada.

Jabhadda Tigreeda ee TPLF ayaa sheegtay in “xeelad” ahaan ay ka baxeen meelo gaar ah.

Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Ogosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF.

Magaaladaasi oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda dalkaasi muddo haatan laga joogo sanad.

Colaadda ayaa ka billaabatay waqooyiga gobolka Tigray, waxa ayna markii dambe ku faaftay qeybo kale oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo kooxda TPLF ay isku dayday in ay duullaankeeda ku qabsato magaalada Addis Ababa oo koonfurta kaga beegan gobolka Tigreeda iyo xuduudka dalka Jabuuti ee dhanka bari, taasi oo muhiim u ah marinka saadka guud ahaan Itoobiya oo aan lahayn Bad.

Cabsi laga qabay in fallaagada TPLF ku ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa keentay in bishii hore dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK in ay muwaadiniintooda ku booriyaan in ay ka baxaan gudaha dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shalay sheegtay in militarigoodu uu sidoo kale ku kalsoon yahay in “muddo yar” ay dib ula wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie.

Fallaagada TPLF ayaa bishii hore qabsatay magaaladaasi Dessie, arrintaasi oo loo arkayay in ay dhibaato wayn ku tahay dawladda, maadaama ay magaaladani isku xirto Addis Ababa iyo xuduudka Itoobiya la leedahay Jabuuti.

Sida ay dowladdu sheegtay, magaalooyinka kale ee fallaagada lagala wareegay waxaa ka mid ah Shewa Robit, oo qiyaastii 220km u jirta Addis Ababa.

Teleefishin u janjeera dhanka dowlada ayaa talaadadii baahiyay muuqaalka ra’iisalwasaare Abiy Axmad oo xiran tuutaha ciidaamda, isla markaana diirad ku eega dhulka buuraleyda ahi.

“Cadowgu waa la jebiyay. Hawsha noo hartay waa in aan cadowgu xididdaha u siibno oo aan baabi’inno,” ayuu ku yiri askar fadhida geed hoostiisa.

Usbuucii la soo dhaafay ayuu hoggaamiyaha kooxda TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu dhambaal u diray Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in uu ka walaacsan yahay duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida uu sheegay lala beegsanayo dadka rayidka ahi.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka heshay dalka Shiinaha, iyadoo sidoo kale hub ka heshay waddamada Iran, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Itoobiya iyo waddaamada kale ee uu soo hadal qaaday ayaan dhammaantood ka jawaabin eedeyntaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Itoobiya, waxaana la filayaa in uu la kulmo ra’iisalwasaare ku xigeenka dalkaasi, Demeke Mekonnen, oo la wareegay shaqada maalinlaha ah ee dowladda Itoobiya maadaama Abiy Axmed uu ku maqan yahay furimaha hore ee dagaalka.

Dowladda Shiinaha ayaa ka soo horjeestay “faragelinta” shisheeyaha ku hayo arrimaha Itoobiya, xilli xukuumadda Abiy Axmed ay cadaadis xooggan kala kulmayso Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada reer Yurub, gaar ahaanna arrimaha la xiriira tacaddiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in ay dhaceen intii ay colaaddu socotay.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa shirkadda Twitter ku eedeysay in ay bartilmaameedsanayso bogagga lagu dhaliilo fallaagada TPLF.

Haseyeeshee shirkaddaTwitter ayaa sheegtay in ay wali “dhexdhexaad ka tahay afkaarta siyaasadeed iyo tan qowmiyadeed” ee dalkaasi.

Shirkadda Facebook ayaa tirtay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ra’iisalwasaare Abiy, iyadoo sheegtay in qoraalkaasi uu ku xad gudubtay shuruucdeeda ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here