Janaraalka fashiliyay weerarkii nukliyeerka Trump uu ku qaadi lahaa Shiinaha

trump2

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa iska difaacay weerar afka ah oo lagu qaaday ka dib markii buug u qoray lagu sheegay in wicitaan qarsoodi ah oo dhexmaray isaga iyo sarkaal ka soo jeeda Shiinaha arrintaas oo uu walaac ka muujiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Wicitaanka dhexmaray labadan sarkaal bilihii October iyo January ayaa looga gol-lahaa in cabsida looga saaro militariga Shiinaha, sida uu Arbacadii sheegay Janaraal Milley.

Trump wuxuu sheegay in eedeymaha ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana wuxuu saraakiisha Jamhuuriga ugu baaqay in janaraalka ay shaqada ka ceyriyaan.

Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in kalsooni uu ku qabay janaraal Milley.

Afhayeen u hadlay Janaraal Milley ayaa sheegay in “wadahadallada telefoon ee uu la yeeshay Shiinaha ay ka mid ahaayeen in uu xaqiijiyo shaqadiisa iyo mas’uuliyadiisa ee dib u xaqiijinta ah si uu u xoojiyo istaraatiijiyadda amniga”

Janaraalkan wuxuu wacay Sarkaal lagu magacaabo Li Zuocheng oo Shiinaha u dhashay, waxaana Talaadadii la soo saaray qeyb ka mid ah waxa dhexmaray ka dib buug la qoray arrintaas oo ay soo bandhigeen weriyeyaal qaabilsan warbixinada dabagalka oo ka tirsan Washington Post.

Waxay arrintani dhacday kadib doorashadii Mareykanka xilliggii uu Trump diidanaa in uu aqbalo natiijada.

Waxaan ninkaas lagu eedeeyay in janaraalka Shiinaha uu u sheegay in xaaladda ay degan tahay, wuxuuna u xaqiijiyay in Mareykanka uusan wax weerar ah ku soo qaadeynin.

Haddii tallabadaas ay qaadi lahaayeen, “Shiinaha wuxuu marka hore jeedin lahaa digniino,” ayaa lagu yiri qeybo kamid ah buugga.

Sida ku xusan buugga, janaraal Milley ayaa shaqaalahiisa u sheegay in haddii Trump uu amar ku bixiyo in gantaal nukliyeer lagu weeraro Shiinaha, in marka hore uu isaga xaqiijin doono arrintaas weerarka.

Trump wuxuu ku eedeeyay janaraal Milley in uu galay ‘khiyaamo qaran’ iyo in uu jeediyay hadallo been ah.

Buugga oo lagu magacaabo “Peril”, waxaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay dibadbaxyadii 6-dii January, in Janaraal Milley, oo ahaa Madaxa Shaqaalaha Isku-dhafka ah, “inuu si dhab ah u hubay in Trump ay la soo deristay xaalad maskaxeed oo aad u xun oo ka soo gaartay doorqashadii looga guuleystay”.

Sida buugga ku xusan Milley wuxuu walwal ka qabay in Trump “uu noqdo damiir la’aan”, sida ay qoraayaasha sheegeen.

“Weligaa ma ogaan kartid waxa ay tahay arrintan madaxweynaha kicinaya,” ayuu yiri Milley oo la hadlayay Shaqaalaha sare, waa sida lagu sheegay buuggaas.

Janaraal Milley wuxuu qabtay kulan aan caadi ah oo si sir ah uga dhacay xafiiskiisa Pentagon, bishii january 8, si dib u eegis loogu sameeyo hannaanka tallaabada militari, sida qaadidda weerar nukliyeer.

Isagoo la hadlayay saraakiisha militariga ee madaxda ka ah Xarunta Amarada Qaran ee qolka dagaalka Pentagon-ka, Milley wuxuu faray in aysan qofna amar ka qaadan karin, isaga la’aantiisa.

“Waxkasta oo la idiin sheego, waxaad raaceysaan hannaanka. Anigana qeyb ayaan ka ahay hannaankas,” ayuu Milley u sheegay saraakiisha, sida buuga lagu sheegay.

“Ka dib qolka oo dhan ayuu dhexmaray, wuxuuna isagoo eegaya waydiiyay dhammaantood in ay si hadal ah u xaqiijiyaan in ay fahmeen hadalkiisa”.

Marco Rubio oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Biden in uu shaqada ka ceyriyo Janaraalka.

Arbacadii, xoghayaha Aqalka Sare waxay sheegtay: “Madaxweynaha wuxu kalsoonida buuxda ku qabaa hoggaanka iyo daljaceylka uu muujiyay janaraalka”.

Waxay intaa ku dartay in madaxweyne Biden uu sidoo kale kalsooni buuxda ku qabo janaraal Milley, si uu shaqadiisa usii wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here