Japan: Gabadh si khasab ah timaha loogu madoobeeyay oo heshay magdhaw

japan arday

Gabadh ku sugan dalka Japan aya ku guuleystay inay hesho lacag magdhaw ah kaddib markii macalimiinteeda ay ku caadaadiyeen in timaha ay mariso madoobeyso arrintaas oo u horseeday inay isaga tegto waxbarashada.

Maamulka Iskuulka ma uusan aaminsaneyn in gabadha ay laheyd timo casaan ah oo ay ku dhalatay isla markaana ay ku khasbeen inay isticmaasho madoobeyso.

Maamulka ayaa gabadha ka mamnuucay waxbarashada iyo inay ka qeyb noqoto ardeyda loo qaadayo goobo kale kaddib sababata aysan u madoobeyn timaheeda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in tallaabada uu qaaday iskuulka ay aheyd mid sharci ah balse waa in gabadha la guddoonsiiyaa lacag magdhaw ah oo gaareyso 3,100 oo doolar kadib dhibaatada loo geystay.

Xeerarka u degsan iskuulkan waxaa kamid ah in ardeyda uu mamnuuc ka yahay in timahooda ay jilcistaan ma midab kale oo aan madow aheyn ay adeegsadaan, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan.

Xilli ay socotay dhageysiga dacwadda gabadha, maamule ku xigeenka iskuulka wuxuu ku anddacooday inay eegeen timaha gabadha oo ay u muuqdeen kuwo midib madow leh oo ay wax marsatay.

Si loo ilaaliyo xeerarka iskuulka, waxaa gabadha lagu amray in timaha ay soo madoobeyso.

Waxaa loo diiday inay fasalka soo gasho, waxaana magaceeda laga saaray diiwaanka ardeyda ee fasalka sababtana waxay tahay in timaha aysan si aad u madoobeyn, ayaa lagu yiri kiiska maxkamadda la geeyay.

Maxkamadda waxay taageertay go’aanka iskuulka ee ah in ardeyda ay diiradda saaraan waxbarashadooda baddalkii ay ku mashquuli lahaayeen isqurxinta.

Waxaana la sheegay in tallaabada iskuulka ay welwel ku reebtay gabadha oo uusan eegin dhibaatada maskaxeed ee soo gaartay.

Iskuulo badan oo ku yaalla Japan ayaa dhaqangeliya xeerar adag oo ka dhan ah ardeyda si sare loogu qaado waxbarashada.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here