Jeneraal Odowaa iyo taliyaha howlgalka Midowga Yurub oo kulamo yeeshay

odawaa

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.

Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka.

Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here