Jeneral Odowaa oo sheegay Al-Shabaab lagu laayey howlgal ay fuliyeen

general odowaa

Faahfaahino ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray deegaan lagu magacaabo Ceelgub oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabbellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay dileen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen kooxda, isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan oo ay nolosha ku qabteen.

Howlgalka oo lagu tilmaamay mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgub oo qiyaastii 10KM u jira degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyuhu waxa uu sheegay in laga warhelay in deegaanka ay Shabaab isku urursanayaan, sidaasna ay ciidamadu u qaadeen howlgal qorsheysan.

Jeneraal Odowaa ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka ee fuliyey howlgalkaas ay sii daba joogaan xubnihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee howlgalkaas ka baxsaday, iyagoo cagta mariyey fariisinkii ay ka sameysteen deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here