Jibis ay ku dhegan yihiin in ka badan 500 oo shilinta xoolaha oo lagu badbaadiyay Australia

mas shilin

Koox masaska soo qabata oo ku sugan dalka Australia ayaa waxa ay soo badbaadiyeen jibis ay ku dhegannaayeen boqolaal shilinta xoolaha ah.

Maskan oo la rumaysan yahay inuu xanuunsan yahay ayaa waxaa dushiisa isku gadaamay cayaayankan shilinta ee badanaa xoolaha ku dhega, waxaana laga helay barkad lagu dabaasho oo ku taal xaafadda Gold Coast ee Queensland.

Xirfadyahan ku takhasusay howlaha masaska ayaa soo saaray maska waxa uuna geeyay xarun lagu dabiibo duurjoogta.

Howlwadeennada xanaanada xoolaha ayaa waxa ay maska ka qabqabteen in ka badan 500 oo shilin, waxaana la filayaa inuu maska soo kabsado, waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Tony Harrison oo ah xirfadle ku dheereeya qabashada masaska.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.