Jubbaland oo shaacisay inay ka qaybgelayso shirka Samareeb

calanka jubbaland

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qabashada shirkaasi, islamarkaana ay ka qeyb-galeyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan guddiyada ay soo magacaabeen maamullada Jubbaland iyo Puntland & diidmada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya mid lagu doonayo muddo kororsi, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay wakiilada beesha caalamka uu ku baaqay shirweyne ay markale isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, si looga arrinsado doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here