Kalfadhiga baarlamaanka: Afar arimood oo uu soo qaaday Madaxweyne Farmaajo

farmaajo press

Maxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa galabta jeediyay khudbad dad badan ay ka dhursagayeen oo uu ku furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka oo fayraska Korona awgii mar hore dib loo dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arimo badan, hase yeeshee waxaan halka idiinku soo koobeynaa waxa uu ka yiri afar arimood oo waaweyn:

Doorashooyinka soo socda

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sharciga doorashada ee uu dhawaan saxiixay, kaasoo uu tilmaamay in awoodda shacabka gacantooda lagu celiyay si ay u doortaan xisbiga iyo dowladda ay doonayaan.

“Waxaan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah ugu dhiiban doono codkiisa, uuna dooran doono madaxda uu doonayo,”ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu taageersan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda iyo si ammaan ah, isla markaana ay sidaa oo kale qabaan labada gudoomiye ee baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Baarlamaanka
Xildhibaannada ayaa inta badan xirnaa maaskaro

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in doorashada soo socoto ay waxbadan uga duwanaan doonto kuwii hore, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay usoo baxaan si ay u doortaan xildhibaannadooda iyo xisbiga ay doonayaan.

Arimaha amniga

Madaxweynaha ayaa sheegay inay waxbadan ka qabteen sugida amniga balse aysan gaarin halkii ay doonayeen.

“Seddaxdii bilood ee ugu horeysay 2018 waxaa Muqdisho ka dhacay 182 fal-dembi, halka seddaxdii bilood ee ugu horreeyay 2019 ay dhaceen 74 fal-dembi, sanadkan aan ku jirno waxaa ka dhacay 24 fal-dembi, fari kama qodna illaa aan geyno meel hoose,” ayuu yiri Farmaajo.

Wadahadallada Somaliland

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaan in muddo ah qabsoomin. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sheegay inuu soo dhaweynayo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladaasi, “wax kasta oo jirana ay ku dhameeyaan walaaltinnimo, wadahadal iyo is afgarad,”

Farmaajo iyo Muusi Biixi ayaa ku kulmay dalka Itoobiya bishii February, mana cadda waxa ay ka wada hadleen. Waxaan kulankaasi martigelisay dowladda Itoobiya.

Maqaamka Gobolka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday labada gole ee baarlamaanka in caasimadda Muqdisho ay aqalka sare ku yeelato matalaadda ay mudan tahay “ayna muraayad uga wada noqoto dhammaan shacabka Soomaaliyeed,”

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah gudoomiyaha guddiga wadajirka ah ee baarlamaanka Soomaaliya uu u xilsaaray dhamaystirka xeerka doorashooyinka ayaa dhawaan BBC-da u sheegay inay gudoonka baarlamaanka u gudbiyeen talo soo jeedintooda ku aaddan metalaadda uu gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare.

XAFLADDA FURITAANKA KALFADHIGA 7AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA #2020

Slået op af Hassan Ali Khayre Fans i Lørdag den 6. juni 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here