Kenya: 13 qof oo ku dhimatay xilli booyad rogmatay ay shidaal ka dhuranayeen

astaanta kenya

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay kadib shil ka dhashay booyad shidaal siday oo ku rogmatay galbeedka Kenya.

Shilka ayaa ka dhashay markii darawalkii booyadda uu isku dayay in uu ka leexdo baabuur xamuul oo uu qarka u saarnaa in uu ku dhaco xilli uu marayay waddada mashquulka badan ee isku xirta magaalooyinka Kisumu iyo Busia.

Dadka waxay durbadiiba ku xoomeen goobta uu shilka ka dhacay si shidaalka ay usoo dhurtaan.

Ku dhawaad 11 qof ayaa ku dhaawacmay shilka kuwaas oo haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here