Kenya oo qaadeysa tallaabooyin la xiriira jaadka

qaad

Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka lasoo dersay ganacsatada jaadka ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso maamulka Meru oo ah goobta uu ka baxo jaadk si loo xalliyo caqabadaha lasoo dersay suuq geynta jaadka Kenya.

Sidoo kale guddiga dowladda ay u xil saartay arrintani ayaa eegi doonaa cilmi baarista dhanka seyniska eee lagu sameynayo saameynta jaadka uu ku yeelan karo caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here