Kenya oo shaacisay saddex shuruud oo ciidamadeeda ay uga baxayaan Soomaaliya

monica juma

Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya, Monica Juma ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay wararka sheegaya in dowladeeda ay qorsheyneyo in ciidamada milatariga ay kala baxdo gudaha Soomaaliya.

Monica oo wareysi gaar ah siisay wargeyska caanka Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa meesha ka saartay in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari laheyd Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ay ciidamadooda ku jiraan AMISOM, islamarkaana ay ku yimaadeen qaraarka QM.

“Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tiri Monica Juma.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaacisay shuruudaha ay ciidamadooda uga saarayaan gudaha Soomaaliya, iyada oo soo bandhigay saddex shuruud oo kala ah:- 1-In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, 2-in laga adkaado Al-Shabaab iyo 3- in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

“Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” ayey markale tiri wasiirka gaashaandhigga kenya.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in uu jiro qorshe u gaar ah Kenya oo ku aadan sidii ay ciidamadeeda uga saari laheyd Soomaaliya, balse waxay caddeysay inay qeyb ka yihiin go’aanada ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe la hadal hayey warar sheegaya in Kenya ay la baxayso ciidamadeeda, kadib markii ay sii kordheyn tacadiyada iyo dhibaatooyinka ay ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here