Kenyatta oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka maxkamadda ICJ

uhuru kenyatta2

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika.”

Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda dabbaaledegga maalinta halyeeyada oo ku beegneyd shalay.

”20 -ka Oktoobar waa maalin muhiim u ah taariikhdeena maxaa yeelay 1952 waxay ahayd maalintii Xaaladda Degdegga ah uu gumaystuhu kaga dhawaaqay dhulkeenna, waxaana la xiray boqollaal kamid ah aabayaashii dalka Kenya aas’aasay”.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay inay dadkii xoriyada Kenya u dagaalamay ay caqabadahaas dusha u riteen sidaas awgeedna ay ka guuleysteen gumeeystaha.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Uhuru ayaa xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Xiriirka labada dal ayaa mar gaaray heerkii ugu xumaa ilaa ay noqotay inay kala qaataan safaaradaha.

Bishii sagaalad ee sanadkan ayuu Madaxweyne dalka Kenya Uhuru Kenyatta booqday Lamu halkaasi oo uu xarigga ka jaray saldhig ballaaran oo ay ciidamada badda ku yeelan doonaan Manda Bay oo ka tirsan deegaanka Lamu .

Wuxuu kaloo xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo uu saldhigaasi Manda yeelan doono.

Madaxwayne Kenyatta oo khudbad jeediyay markii uu saldhigani xarigga ka jaray ayaa sheegay in saldhigani uu muhiim u yahay madaxbanaanida Kenya iyo sugidda ammaanka xuduudaha.

Taliyaha militariga Kenya Janaraal Robert Kibocho ayaa dhankiisa sheegay in saldhigan uu taageero siin doono ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo.

Ciidamada badda ee dalka Kenya ayaa waxaa muddoyiinkii u dambeeyay ku socday dib u habeyn xooggan.

Dowladda Kenya ayaa maraakiib cusub oo casri ah u soo iibsay ciidamada badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here